12 ruux oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Hiiraan

0
119

Baledweyne(SPO)-Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku dhimatay dagaal Beeleed maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Banyaalay hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaalku uu dhaxeeyay labo Maleeshiyo Beeleed kuwaa soo kasoo kala jeedda degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

Waxaa ay sheegeen in dagaalkaan aysan waxbadan ka qaban karin Maadaama goobta ay jooggaan Maleeshiyo aad u hubeysan.

Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshadda gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan,islamarkaana ay nabad qaataan.

Waxaa uu sheegay in ay dadaal badan ay ku bixin doonaan sidii loo soo Afjarilahaa Xiisadda  dhawaan ay u diri doonaan wafdi.

Degaanka Banyaalay ayaa waxaa Sanadyadii lasoo dhaafay ku dagaallamaayay Maleeshiyo Beeleed , kuwaasoo isku heysta dhul daaqsimeed iyo ceelbiyood.

SOMALI PRESS ONLINE 2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here