15 Maajo: 75 guuradii ka soo wareegtey asaaskii S.Y.L -SAWIRO

0
177

Muqdisho(SPO)- Maantey oo kale waxaa Jamhuuriyadda Soomaaliya laga xusaa asaaskii ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed oo u dhiidhiyey xornimada Jamhuuriyadda muddo laga joogi 75 sano.

Waxay ahayd 15 May 1943-dii markii la asaasey urukii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL, SYL ayaa lagu tilmaama in uu shidey dhinbishii u horeysey ee Soomaalidu ugu dhaqdhaqaaqdo in ay iska tuuraan heeryadii gumeysiga, 13 dhalinyaro ah oo qaarkood aad u da’yaryihiin ayey ahaayeen asaasayaasha ururkaas, waxaana maanta oo kale loo aqoonsan yahay maalintii Ururkii Dhalinyarada Gobonimadoonka Soomaaliyeed, magacayda asaasayaasha ururkii SYL ayaa kala ahaa:

  1. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke
  2. Cabdulqaadir Sakhaawadiin
  3. Cismaan Geedi Raage
  4. Maxamad Cismaan Baarbe.
  5. Dheere Xaaji Dheere
  6. Daahir Xaaji Cismaan Sharmarke (Dhegaweyne)
  7. Maxamed Xirsi Nuur (Siidi)
  8. Maxamad Cali Nuur
  9. Xaaji Maxamad Xuseen
  10. Huudow Macallin Cabdullaahi
  11. Maxamad Faarax Hilowle
  12. Xaaji Maxamad Cabdalla Xayeesi
  13. Cali Xasan Cali  (Bardura).

Dhamaantood waa ay dhinteen waxaana ugu nolol danbeeyey Cali Xassan Cali (Cali Barduura) oo ku dhintey dhamaadkii sanadkii 2009, magaalada Nairobi.

SOMALI PRESS ONLINE 2018