Afghanistan: Qarax lala beegsaday Masaajid Diiwaangelin ka socotay

0
150

Kabul(SPO)-Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo Axadii lala beegsaday masaajid ku yaal dalka Afghanistaan oo ay ka socotay diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashada dalkaasi.

Weerarkan ayaa ka dhacay Masaajid ku yaal magaalada Khost ee bariga dalkaasi Afghanistaan, xili halkaasi ay diiwaangelin ka socotay kadib salaadii duhur. Weerarkan ayey sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof.

Dalka Afghanistan ayaa lagu wadaa inay doorashada Baarlamaanka dhacdo bisha Oktoober ee sanadkan, doorashadan oo marar badan dib loo dhigay.

Kooxaha Talibanka iyo Daacish ayaa weeraro kala duwan la beegsaday goobaha lagu diiwaangelinayo dadka doonaya inay codkooda ka dhiibtaan doorashada. Hase yeeshee kooxda Talibanka ayaa sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn weerarkii shalay ka dhacay Masaajidka Khost.

Labo todobaad kahor ayey kooxda Daacish qaraxyo noocaan ah la beegsatay goobo dadka lagu diiwaangelinayey ee caasimada Kabul, weerarkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof.

SOMALI PRESS ONLINE 2018