Al Shabaab oo sheegtay inay qarax ku dileen askar ka tirsan ciidanka dowladda

0
77

Jaziira(SPO)- Mintidiinta Al Shabaab ayaa sheegtay inay qarax la heleen gaari Cabdi Bile ah oo ku socdaalayay deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ka baxay magaalada Muqdisho, wuxuuna ku sii jeeday magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha Shabaab ay ku faafiyaan wararkooda ayaa waxa ay ku sheegteen inay qaraxaasi ku dileen 6 askari, islamarkaana ay ku burburiyeen gaariga Cabdi Bilaha ah.

Shabaab waxay kaloo sheegteen qaraxa kadib inay iska hor imaad la galeen ciidanka ay weerareen, kaasi oo ka dhashay khasaare kala duwan.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in weerarkan uu jiro balse khasaaraha ka soo gaaray uu kooban yahay.

Ururka Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyo miino ah la eegta ciidanka dowladda ee ku socdaaladaya magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku hareereysan.


SOMALI PRESS ONLINE -2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here