Aqriso: Madaxweyne Shariif Xasan Oo Xilka Ka Qaaday Taliyihii Sirdoonka Gobolka Bay

0
453

Baydhabo(SPO)– Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilka qaaday Taliyihii Nabad Sugidda Gobolka Baay, kaasi oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Isgoowe Ibraahim.

Warqada xilka qaadista oo ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha KGS ayaa waxaa lagu ogeysiiyay Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka, Wasiirka Amniga Gudaha Koonfur Galbeed, Taliyaha Nabad Sugidda Qeybta Koonfur Galbeed, Taliyaha Booliska Qeybta Koonfur Galbeed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60-aad.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Shariif ayaa waxaa lagu sheegay sababta xilka looga qaaday Taliye Ibraahim in ay tahay kadib markii uu gudan waayay waajibaadka shaqo ee loo igmaday, lana shaqeyn waayay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Saraakiisha kale ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Halkan Hoose ka Akhriso Warqada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

SOMALI PRESS ONLINE 2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here