Baarlamaanka Puntland oo dalbadey in Dowladda Federaalku dib ula wareegto arrimaha Xajka

0
166

Garowe(SPO)-Baarlamaanka Puntland aya isugu yimid kulan deg-deg ah oo ay uga arrinsanayaan arrimaha Xajka ka hor bilashada bisha ramadaan, kulwankan waxaa soo xaadiray guddiyada joogtada ah ee Baarlmaanka, waxaana shir guddoomiyey Afhayeenka baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa ka warbixiyey kulankii guddiga joogtada ay la yeesheen Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Diinta iyo Awqaafta Puntland Dr.Saalax Xabiib Xaaji Jaamac

Guddoomiyaha Golaha wakiill ada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa warbaahinta Faah faahin kasiiyey kulankii ay la yeesheen wasiirka waxaana uu yiri

” waxaa mudo badan soo noqnoqneysay cabasho ka imanaysay Culimada, Shacabka, Cabashadan oo ku saabsanneyd Xajka kasoo ah Rukni Ilaaah uu ku waajib yeelaya Umadiisa, waxaa uu sheegay gudomiyuhu in cabashada shacabka uu ku soo gudbiyey Qoraal iyo Af .waxaan u yeernay Wasiirka Wasarada cadalaada PL waxana uu warbxin dhameystiran ka siiyey Guddiga joogtada , guddiga joogatadana waxaa uu kasoo saarey Go’aan , go’aankas oo uu Akhrin doono Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada Cali Axmed Saalax. “

6/05/2018 war saxafadeed Gudiga joogtada waxay fadhigoodii todobadlaha ahaa warbixn ka dhegaysteen waxna ka weydiiyeen Wasiirka wasaradda Cadalaadda Diinta iyo Awqaafta tasoo la xirrirtey cabashooyin ay kasoo jeediyeen shacabka somaliyeed iyo shacbka puntland Arimaha XAJKA Dood iyo falanqeyn dheer kadib waxaa Muuqata Arimaha soo socda.

  • in Arimaha xajka oo ah masuuliyad ay leedahey dowlada Federaalka soomaliya lagu wareejiey shirkado gaar loo leeyahay iyadoo aanay waafaqasaneyn Cadalada iyo Nidamka Dowliga ah.
  • in cabashooyinka muwaadiniinta Soomaliyeed ee Xujeyda ah aan dheg jalaq loo siin, shirkadahasuna ay marwalba ku guuleystaan iney burburiyaan dhaqalaha xad dhaafka ah ay ka helaan XAJKA.
  • in xujeyda Soomaliyeed laga qado qiimo aad uga sareeya kan ay ku xajyaan xujeyda wadamada aan deriska nahay.
  • in dhaqalahaas faraha badan ee laga qaado xujeyda Soomaaliyeed aan loogu qaban adeegii ay xaqa u lahaayeen Sida. safarada diyaaradaha , Gaadiidka Cuntada, Deegaanka , caafimaadka iyo guud ahaan fududeynta waajibaadka XAJKA dhibaatadaas aan kor ku soo sheegney.

Taas oo sabab u noqotay in dad badan oo gudan lahaa XAJKA ay ka baaqsadaan gudashada XAJKA oo aynu ognahay in uu yahay Tiir kamid ah Tirarka Islaamka

Sidaa Darteed – Waxaan madaxweynaha Dowladda federalka iyo Ra’iisul wasaraha Dowladda federaalka ugu baaqeynaa in Arimahaan deg deg ay wax uga qabtaan Arimaha Xajkana ay ku soo celiyaan gacanta dowladda si ay u maamulaan Wasaradda Arimaha Diinta Dowladda Federaalka iyo wasaaradaha dhigeeda ah dowladaha xubnaha ka ah dowlda federaalka soomaliya.

Faafin Somali Press Online 2018