Boqorka Sacuudi Carabiya oo Amiirka dalka Qatar ku martiqaaday shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka

0
75

Riyadh(SPO) – Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa martiqaad u diray Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dalka Qatar.

Martiqaadka ayaa la xiriira ka qaybgalka shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee lagu wado 9-ka bishan December inuu ka furmo magaalada Riyadh ee xarunta dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.


Wakaaladda wararka ee Qatar  ma aysan sheegin inuu Sheikh Tamim , uu  ka qeyb galayo iyo in kale, sidoo kale waxaan kala caddeyn heerka ay shirkaas uga qeyb geli doonto dowladda Qatar, iyadoo inta badan shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee sanadlaha uu sanado ka hor ahaa mid ay ka qeyb geli jireen dhammaan madaxda dalalka Khaliijka.


Waxa uu ku soo aadday martiqaadka ay dowladda Sacuudiga u dirtay  xilli dowladda Qatar ku dhawaaqday inay isaga baxday Ururka dalalka dhoofiya Saliida ee OPEC.

SOMALI PRESS ONLINE -2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here