Brazil iyo Uruguay oo laga reebay Koobka Aduunka 2018

0
279

Waxaa dib u bilowday wareega Sideed dhamaadka Koobka Adduunka ee 2018, kaasoo ay isku arkeen maalintii Jimcaha afar dal, xili la dheelay Labo kulan oo ka tirsanaa wareegda Bug-baxa.

– Kulanka koowaad –

Ciyaartaan oo ay isku arkeen xulalka Faransiiska iyo Uruguay ayaa waxaa 2-0 ku badiyay wadanka Yurub ku yaalla, iyadoo sidaas daaqadda looga saaray dalka Laatin Ameerika ka socday.

Goolasha waxaa u kala dhaliyay Faransiiska, ciyaartooyda kala ah, Antoine Griezmann, oo kooxda Atletico Madrid u dheela, iyo Rafael Varane, oo ka tirsan naadiga Real Madrid.

– Dheesha labaad –

Ciyaartaan oo ahayd middii ugu xiisaha badnayd ayaa waxaa wada dheelay Brazil iyo Belgium, waxaana 2-1 lagu dubtay dalka horey ugu soo guuleystay tartanka Koobka Adduunka Todobada jeer.

Natiijadaan waxay ka dhigan tahay in Brazil ay isaga hareen tartanka Ruushka ka socda, iyadoo Belgium-ka uu usoo baxay wareegga Afar dhamaadka, oo ay Faransiiska isku arki doonan.