China oo ku qasbaysa Muslimiinta ‘Uighur’ cunista doofaarka iyo cabista khamriga

0
105

Beijing SPO)-Bulshada Muslimiinta Uighurs ee laga tirada badan yahay ee deggen bariga Turkistan ee kuyaala galbeedka fog ee China ayaa sheegay in taliska shuuciga ah ee China uu ku qasbay cuntiaanka hilibka doofaarka iyo cabbista khamriga, intii lagu guda jiray sanadka cusub ee Chinese ee loo yaqaano cusub (sanadka Doofaar) ee laga xuso dalka.

Waxa dadkan Muslimiinta ah ay ee gobolkan ay cadeeyeen in lagu marti qaaday inay cunaan casho sanadkii cusbaa ee Chinese ka,halkaas oo loogu keenay hilibka doofaarka iyo khamri, sida lagu sheegay warbixin laga sii daayay idaacada Free Asia Radio Free iyo sidoo kale laga soo xigtay wargayska  Daily Mail ee British ka ah.

Waxa dadkani Muslimiinta ah ay tilmaameen in masuuliyiinta taliska shuuciga ah ee China ay ugu hanjabtay in loo diri doono xeryaha taliskan ugu magac daray(dhaqan-celis)oo ay kujiraan 1 malyuun oo Muslimiin ah haddii ay diideen in ay ka qaybqaataan, sida ilahan ay sheegeen.

Waxa ay muujinayaan muuqaalo loo soo diray Idaacadan sarkaal ka socda taliska oo booqanaya aqalada qoysaska Muslimiinta oo u qabinyada hilibka doofaarka toddobaadkii la soo dhaafay ka hor  dabaal sannadkan cusub.

Waxa sido kale talisku ku qasbay dadka deegaanka ee gobolka East Turkestan inay shuurtaan aqaladooda hortooda waxyaabaha qurxinta Chinese ka ee sanadka cusub, sida iftiino casaan ah.

Waxa mid kamid ah dadka deegaanka  u sheegay wargeyska idaacada Free Asia Radio inuu marnaba uunan cunin hilibka doofaarka, laakiin aanan daaha ka faydain magaciisa.

Waxa uu sheegay in muwaadinkan in sanadkii la soo dhaafay in dadka qaar ay ku qasbanaadeen inay cunaan hilibka doofaarka  si ay u caddeeyaan is dhexgalka dhaqanka Chinese iyaga oo ka fogaanaya in la talisku ciqaabo,halka gabar Muslimad ah oo Uighurs ah ay tiri “Haddii aanan shudhin lifaaq iftiinka casaanka aqaladayada hortooda maalmaha xuska, waxay odhanayaan waxaad la kulmaysaan in nilii diro xeryaha dhaqan-celinta”.

Waxa bulshada Mulimiinta ay sheegtay  in lagu qasbayo inay cabaan khamriga illaa ay caddeeyeen inay ay ka tageen diintooda Islaamka iyo in aynan quursanin dhaqanka Chinese ka.

Qaramada Midoobay guddi u qaabilsan xuquuqda bini’aadanka ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegtay in taliska China  1 malyuun oo Muslimiin ah uu ku xiray xeryo qarsoodiga ah oo kuyaala bariga Turkistan si loogu sameeyo waxa uu ku sheegay dhaqan-celin siyaasadeed.

Dhanka kale wa isla arrinta la xiriira dadkan Muslimiinta ah Turkey ay ku tilmaamtay hab-dhaqanka China ee muwaadiniinta Muslimka ah ee bulshada Uighur inuu yahay mid “ceeb ku ah bini’aadamnimada”,waana fal-celiskii u horeeyay ee kasoo baxa dal Islaam ah ee ku saabsan dhibaatada lagu hayo dadkan Muslimiinta ah dadkan ajinebiga ah ee ay dhaleeceeyeen ururada xuquuqda bini’aadanka.

War qoraal ah oo ay kasoo saartay wasaaradda arrimaha dibada ee Turkey ayaa ugu baaqay taliska China inuu xiro xeryaha uu ku hayo dadka Muslimiinta ah,si loo hilinka looga weeciyo,iyada oo lagu hayo,xadgudub, ay kamid yihiin dil iyo jir-dil iyo marin habaabin.

Waxa dagaalka taliska China ee shuuciga ah uu ku hayo bulshada Muslimiinta ah ee gobolkan ee uu xooga ku haysto ku nool si diinteeda uga saaro iyo xadgudubyada ba’an ee ka baxsan bini’aadantinimada,marka lagu daro in 1 malyuun oo kamid ah oo xeryo ku xiray uu kusoo beegmaya xilli taliskan uu si madaxbanaani ku jirto uga wado dalalka Islaamka mashaariic ay kasoo gasho boqolaal malyuun oo dollar marka lagu daro badeecadaha uu u iib geeyo suuqyada dalalka Islaamka.

SOMALI PRESS ONLINE -2019

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here