DEG DEG: Doorashadii Koonfur Galbeed Oo Dib Loo Dhigay Iyo Jawaab La Siiyey DFS

0
121

Baydhabo(SPO)-Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo lagu waday inay dhacdo 17-ka bishan November.

Bayaanka ka soo baxay Golaha Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso doorashada, iyadoo la safatay Musharaxiin, isla markaana dhaqaale iyo baabuur aan xabado karin ka soo dejisay Garoonka Baydhabo.

Waxaa ay ku eedeeyeen dowladda Federaalka in Xildhibaanadii Koofur Galbeed u daabushay Muqdisho, isla markaana lacago laaluush ay siisay, si ay u doortaan Musharaxiin gaar ah.

Odayaasha dhaqanka ayaa soo xigtay qodobka 60aad ee Dastuurka Koofur Galbeed waxay go’aan ku gaareen in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha ee loo balansanaa, inta laga helayo jawi degan.

Sidoo kale Odayaasha waxay caddeeyeen inay marjac u yihiin Maamulka Koofur Galbeed, maadaama markey xaalad la soo gudboonaato Golayaasha dowladda Koofur Galbeed, waxayna noqon karaan Garsoor lagu go’ i markii loo baahdo.

Bayaanka ka soo baxay Golaha Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ayaa ku soo aadaya, iyadoo war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka ku fartay Madaxda Koofur Galbeed in aan dib loo dhigi karin doorashada, kuna dhacdo xilligii loo asteeyay.


SOMALI PRESS ONLINE – 2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here