DEG DEG: Weerarkii Otto Otto oo galaaftay xilka Mas’uul sare

0
273

MUQDISHO(SPO) – Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka, Maxamed Abuukar Islow ayaa xilkii ka qaadey Cabdicasiis Xildhiabaan, oo ahaa afhayeenka Wasaaradda amniga, kadib markii war aan laga fileynin ka sheegay warbaahinta.

Afhayeenka ayaa xilkiisa ku waayay inuu hay’adaha amniga dowladda ku dhaliilay inay ka gaabiyeen kahor tagista weerarkii sabtidii A-Shabaab ku qaadey xarunta Otto Otto oo ay wada degan yihiin Wasaarada amniga iyo arrimaha gudaha.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa shaki geliyay weerarkii Otto Otto in Al-Shabaab kaliye ka dambeysay, isagoo muujiyay inay jirto wadashaqeyn ay ka heleen hay’adaha amniga, maadaama dableyda hubaysa ay si fudud ku galeen dhisamaha.

Laakiin, Cabdi Casiis Xildhibaan ayaa ku doodaya in isaga uu iska casiley xilka shan cisho kahor, islamarkaana warqada hadda kasoo baxday Wasiir Islow ay tahay mid lasoo saarey kadib markii uu shaqada faarujiyay.

“Anigoo ka jawaabaya qoraal uu hadda i soo gaarsiiyay Xoghaynta wasiir AMNIGA oo ku saabsan Qoraal la been abuuray in uu soo baxay 05/July/2018 in laga iga qaaday Xilkii Afhayeenka wasaaradda amniga, waxaan shacbiga Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan u gudbiyay in aan iska CASILAY xilkaasi 07/07/2018 ka dib weerarkii lagu soo qaaday Xarunta wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha markii aan isugu tagnay Taliska NISA ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay joogeen saraakiil ka tirsan dowladda. Wixii su’aalo ah waxaan ka jawaabayaa maalinnimada berrito ah,” ayuu ku yiri Cabdicsiis Xildhibaan qoraal uu Facebook-giisa soo dhigay.

Afhayeenka ayaa xilkan hayay mudo kooban, isagoo intii uu xafiiska joogay u qaabilsanaa Wasaaradda inuu warabaahinta markii ay weeraro iyo qaraxyo ka dhacaan magaalada Muqdisho.