Dhaawac hor leh oo soo gaaray Neymar xilli ay PSG gashay Bar-barihii ugu horreeyay

0
51

Neymar ayaa laga saaray garoonka ciyaartii ay PSG bar baraha 2-2 la gashay naadiga Bordeaux.

Waa bar barihii ugu horreeyay ay PSG gasho xilli ciyaareedkan horyaalka Faransiiska maadaama ay soo wada adkaatay 14-kii kulan ee hore.

Xiddiga reer Brazil ayaa lagu badelay Eric Choupo-Moting daqiiqadii 58-aad isagoona si toos ah u abaaray qolka dharbadelashada.

Neymar ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa ka hor inta aan garoonka looga saarin dhaawac gumaarka ah.

Xiddigii hore ee Barcelona ayaa dhawaan uun ka soo kabtay dhaawac ka soo gaaray xulkiisa kulan ay la yeesheen Cameron isagoona dhammeystay ciyaartii Champions League ku wajaheen Liverpool xilli shaki badan laga muujinayay.

Lama oga inta uu la eg yahay khatarta dhaawaca cusub ee dhawaan Gumaarka ka gaaray Neymar.

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here