Dhagayso:Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Faa’idada Soomaaliya Ay U Leedahay In Ay Ku Biirto (COMESA)

0
346

Muqdisho(SPO)-Iyada oo Shalay Ra”isul-wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre magaalada Lusaka ee dalka Zambia uu uga qaybgalay shir madaxeedka 20-aad ee wadamada ku midaysan Suuqa Bariga iyo Koonfurta Africa kuna saxiixay in Soomaaliya si toos ah ay uga mid noqotay ayaa waxa isi-soo taraya Su’aalaha la xiriira waxa ka hortaanaa in Soomaaliya mar hore ay ku biirto.

Soomaaliya aya si toos ah waxa ay ugu biirtay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Africa iyada oo madaxda dalalka kale ee ka qaybgalay ay sheegeen in ay garab istaagayaan Soomaaliya si ay uga soo kabato Colaadaha hubaysan ee ka jiray si ay ula jaanqaado Suuqaay Africa ee dhinaca Ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ku biiritaanka Soomaaliya ee COMESA ay ka dhigantahay guul weyn oo u soo hotay shacabka.

Wasiir Maareeye ayaa cadeyay in Soomaaliya ay ka taageerayaan wadamadaan in la sameeyo shuruucda ganacsiga ee Soomaaliya iyo in shaqalaha Soomaliyeed ay six or ah uga shaqaystaan dalalka Africa ee ku jiray Heshiiskaan.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay in garica sida shixnada ganacsi ee ka baxa magaalada Muqdisho laga qaadayo hal Canshuur hadii uu safro wadamada ku midaysan Suuqaan ee COMESA.

SOMALI PRESS ONLINE 2018