Dowladda Ruushka oo go’aan lama filaan ah ka qaadatay Nicholas Haysom

0
222

Mugadishu(SPO)- Dowladda Raashiya oo xubin ka ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM  waxay xaqiijisay Taageeradda ay u hayaan QM iyo Ergaygii Gaarka ee  QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, Nicholas Haysom  oo ay DFS isbuucii hore sheegtay inuu yahay qof aan laga doonaynin Somalia (Persona non grata).

Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Maariya Zakharoofa ayaa sheegtay inay taageero buuxda u hayaan Hawlaha QM ka wadaan Somalia iyo Shaqada Xafiiska QM ee UNSOM ee lagu taageerayo Nabadda iyo Deganaanshaha iyo Horumarinta Somalia.

Afhayeenadda waxay kaloo ku boorisay DFS iyo QM inay si iwadaan Iskaashigooda miro-dhalka, si loo gaaro Hadafkaasi iyo in loo baahan yahay in la dardar geliyo  Fulinta Heshiisyadii lagu garaay maagaalladda Muqdisho bishii June ee sannadkii 2018-kii,  kaasi oo ay Goballadda ku wadaagi doonaan  Dakhliga ka soo xerooda  soo-saarista Shidaalka, Macdanta iyo arrimaha kale.

Wxaay kaloo intaasi ku dartay in loo baahan yahay in la raaco Wada-xaajoodka   Ajendaha gudaha oo ay ka mid yihiin Diyaarinta Dastuurka Cusub, Dib-u-habaynta Garsoorka iyo Doorashadda Madaxweynaha ee sannadka 2021-ka.

Dhinaca kale, Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Maariya Zakharoofa waxay sheegtay inay Dowladda Raashiya xushmeynayaan Madax-bannanida dhuleed iyo Siyaasadeed ee Somalia iyo Midnimadda Somalia.

Raashiya ayaa noqotay dalkii 3-aad ee ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM oo hadal ka soo saartay  Khilaafka Diplomaasiyadeed ee DFS iyo QM, kaasi oo ka dhashay Go’aankii ay DFS bishan 2-dii ku cayrisay Ergaygii Gaarka ee QM ugu qaabilsanaa Somalia, Nicholas Haysom.

DFS waxay Ergaygaasi ku eedeysay inuu faragelin ku hayeySiyaasadda  Gudaha ee Somalia isla markaana loo aqoonsaday Shaqsi aan ka si ishaqeyn karin gudaha Somalia.

SOMALI PRESS ONLINE -2019

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here