Dr. Gaas Oo Caawa Iibsadey Cododkii Ugu Badnaa Ee Xildhibaanada Puntland

0
108

GAROWE(SPO)- Waxaa haatan ka socda gudaha magaalada Garowe ee caasimada Puntland shirar iyo kulamo u dhaxeeya qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland.

Shirarkani oo inta badan diirada lagu saarayo arimaha doorashada ayaa waxa ay u dhaxeeyaan musharaxiinta kala ah Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo qaar kamid ah musharaxiinta la garabka ah madaxweyne Gaas, waxaana kulankoodani caawa socda ay kaga arinsanayaan waxyaabaha laga yeeli doono doorashada beri dhici doonta.

Dr. Gaas ayaa musharaxiintani ka dalbaday in ay garab ka siiyaan doorashada Puntland isla markaasna uu xilal ku abaal marin doono xubnahani hadii uu noqdo madaxweynaha Puntland mar kale.

Musharaxiinta kale ee ciidamada ah ayey olole ka dhan ah ku qaadi doonaan kooxdani, waxaana ujeedkooda lagu sheegay sidii ay meesha uga saari lahaayeen musharaxiintaasi oo ay lidi isku yihiin.

Xildhibaanada ayey u qaybiyeen hanti badan si ay uga helaan codadkooda.

SOMALI PRESS ONLINE -2019

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here