Duufaanno mar kale laga digayo oo ku soo fool leh xeebaha Soomaaliya

0
257

Muqdisho(SPO) –Waxaa mar kale soo baxaya digniinno laga soo saaraya duufaanno kale oo ku soo fool xeebaha Waqooyi Bari Puntland ee Soomaaliya.

War saxaafadeed kasoo baxay Xarunta Saadaasha Cimilada ee urur-goboleedka IGAD ayaa digniin ka bixisay waxa ay ku tilmaantay xaaladda isa sii taraysa ee duufaanno ka soo kacaya gudaha badweynta hindiya, kuwaasoo khatar ku haya qaar ka mid xeebaha Puntland.

Qubarada ku xeeldheer saadaasha cimilada ee xarunta saadaasha cimilada IGAD ayaa sheegaya in duufaanadu dhanka waqooyi u sii socdaan ilaa ay caga dhigtaan dalka Yeman abbaaraha 26ka May 2018 oo berrito ah.

Qaybo ka mid ah duufaannadan ayaa oo ay la socdaan Roobab Mahiigaan ah ayaa la saadaalinayaa in ay ku dhufan doonaan xeebaha Soomaaliya sida ay sheegtay IGAD, iyadoo wadarta biyaha roobabkaasi lagu qiyaasay 30 mm.

Ilaa ku dhawaad 50 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen roobabkii duufaanta watay ee toddobaadkan horraantiisii ku dhuftay gobollada Awdal iyo Salal.

SOMALI PRESS ONLINE 2018