Erdogan oo bilaabay ololihiisa doorashada

0
167

Istanbul(SPO)- Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo Axadii shalay bilaabay ololihiisa doorashada bisha soo socota ee June ayaa ku hanjabay inuu ciidamo dheeraad ah u diri doono dalka ay jaarka yihiin ee Siiriya.

Erdogan oo soo hormariyey doorashooyinkii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo la filayey inay dhacaan November 2019 ayaa sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ah.

Doorashada la filayo inay dhacdo 24ka June ayaa lagu soo beegay xili ay ciidamada Turkida guulo ka gaareen hawlgaladii ay ka wadeen waqooyiga dalka Siiriya iyo qabashadii magaalada Afrin oo ay ka saareen xoogaga Kurdida ee dhulkaasi maamuli jiray.

Erdogan ayaa sheegay inuu ka nadiifiyey xaduuda dalkooda kooxaha argagaxisada ah ee saldhigyada ka sameystay Waqooyiga Siiriya, isagoona sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin hawlgalo cusub oo ay dhulkaasi ka sameeyaan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dadaal badan gelinaya doorashada soo socota oo ah midii ugu horeysay oo wax ka bedali doonta nidaamkii maamul ee dalkaasi. Isbedalka lagu sameeyey dastuurka dalkaasi ayaa sanadkan awood dheeraad ah siinaya xafiiska Madaxweynaha, markii ugu horeysayna awooda xukuumada hoos geenaya Madaxweynaha, iyadoo meesha laga saarayo Raysalwasaarihii awooda lahaa.

Tayyib Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in kadib doorashadan uu doonayo inuu isbedalo badan ku sameeyo dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha, isagoo balan qaaday inuu wax ka qaban doono sicir-bararka saameynta ku yeeshay dalkaasi.

SOMALI PRESS ONLINE 2018