Ganacsatada Muqdisho: “Hadalkii Guddoomiye Yariisow waxaan u qaadaneynaa inuu kasoo horjeedo…” [DHAGEYSO JAWAAB]

0
187

Muqdisho ( SPO )-Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada ku ganacsada goobaha Darjiinooyinka danta guud ee ku yaalla gudaha caasimadda.

Ganacsatadani ayaa sheegay in ogyihiin in dhulalkan ay yihiin kuwa dan guud ah, balse sharciyadda ogolaansha dhulalkan ay ka heystaan maamulladii ka horreeyay maamulka uu haatan hoggaamiyo guddoomiye Yariisow.

Waxaana ay hoosta ka xariiqeen in lacago fara badan ay bixiyeen, welina laga qaado, sida ay hadalka u dhigeen.

Warsaxaafadeed ay ka soo saareen kulankooda ganacsatadani ayaa waxaa warbaahinta u akhriyay Xasan Axmed Maxamuud ( Xiirane ) oo ka mid ah ganacsatadaasi.

Dhawaan guddoomiye Yariisow ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah looga guuro dhismayaasha Darjiinooyinka danta guud ee ku yaalla Isgoysyada M/ Muqdisho.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.