Hoobiyeyaal xalay lagu duqeeyey degmada Balcad

0
93

BALCAD (SPO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmay hoobiyeyaal xalay lagu duqeeyey qaybo kamid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Hoobiyeyaasha ayaa lagu soo warramayaa in bartilmaameedkoodu ahaa saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin bariga magaalada iyo wersheddii hore ee dharka.

Mid kamid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay guri ku yaalla xaafadda Xaawo Taako, waxaana ku dhaawacmay labo qof oo kala ahaa nin waayeel ah iyo wiil yar oo da’diisa lagu sheegay todoba sano.

Duqeynta xalay ka dhacday Balcad ayaa kusoo aadeysa xilli maalmihii u dambeeyey degmadaas uu ka socdey dhaq dhaqaaq ciidan iyo diyaar garow ku aaddan sidii dagaalyahannada Al-shabaab looga sifeyn lahaa gobolka.

Xaaladda Balcad ayaa saaka degen, mana ahan markii ugu horreysey ee duqeyn caynkan oo kale ahi ay magaaladaas ka dhacdo.

SOMALI PRESS ONLINE – 2018