Hordhac: Tottenham Vs Man City: Spurs & Citizen Oo U Dagaalami Doona 3 Dhibcood Oo Aan Qaybsamin

0
59

Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan premier League ayaa dhex mari doona kooxaha Tottenham iyo Man city kulan ka dhici doona garoonka Wembley kana tirsan todobaadkii 10-aad ee horyaalka premier League.

Labada kooxood ayay ka go,antahay in ay guul gaadhaan kadib markii ay kooxaha waaweyn ee premier League dhamaantood heleen natiijooyin fiican kulamadii todobaadkan.

Man city ayaa doonaysa in ay hogaanka goolal kagala wareegto kooxda Liverpool waxana ay kaliya sidaas ku samayn kartaa hadii ay ka badiso kooxda Tottenham.

Dhanka kale tottenham ayaa bartilmaameedsanaya guushdooii 5-aad oo xiriir ah horyaalka premier Leageu xilli ciyaareedkan iyaga oo marti galin doona Citizen.

Kulanka: Tottenham Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Wembley

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tottenham Hotspur ayaa laga badiyay kaliya labo kulan oo ka mid ah 21kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaaraan Wembley, laakiin hal kulan oo ka mid ah guul darrooyinkaas ayay kala kulantay Man City.

Erik Lamela ayaa si toos ah ugu lug lahaa afar gool shan kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, seddex gool iyo hal caawiye. waa in la mid ah intii uu diwaangashaday 25-kiisii kulan ee ugu dambeeyay.

Manchester City ayaan laga badinin lix oo ay booqatay kooxaha reer London 5 kulan way badisay hal kulan bar-baro ayay gashay,waxaana ay badiyeen afartii kulan ee ugu danbeysay waxa ay noqon karaan kooxdii ugu horaysay ee aan ka dhisnayn London ee guul gaadhay 5 kulan oo xiriir ah oo ay ku ciyaartay caasimada tartanka Premier League.

Pep Guardiola ayaa kaliya laga badiyay labo jeer 13kii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka hor tagay tababaraha Mauricio Pochettino waxa uu haatan guul ka gaadhi karaa 3 kualn oo xiriir ah markii ugu horaysay tababaraha reer Argentine.

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here