Ilyaas Cali Nuur – Shaqsiga Sanadka 2018 Ee Somali Press Online

0
107

Baydhabo(SPO)-  Xasilloonidarridii muddada dheer ka jirtay Soomaaliya waxaa ka dhashay khasaarooyin lixaad leh.

Kumannaanka kun ee ku dhimatay dagaalladii la soo maray ka sokow, waxaa waddanka gudihiisa ku baro kacay tiro malaayiin ah, ayadoo malaayiin kalena ay waddanka dibaddiisa u qaxeen.

Celcelis ahaan marka la qiimeeyo, dadka dibadaha u qaxay waxaa u badan dadkii waxtarka bulshada u lahaa oo waddanka gabaabsiba  ku sii noqonaya. kuwaas qaar ka mid ah wadanka Xusuusan.

Ilyaas Cali Nuur ; waxa uu ka mid yahay Qurbo-joogta Soomaaliyeed Ee Dalka UK Isla markaana waxa uu ku soo laabtey  Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, Hada waxaa uu Ku Magacaawan yahay Agaasimaha KGSTV Ee ku Hadla Afka Dowlada KGS.

Wxuu noday qofka kaliye oo ka mid ah Qurbo Joogta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Abuurey Isdhexagal Bulsho tan iyo Burburkii ka dib, Maalgashi iyo Isla markaana yagleeley TV- cusub oo Maddax Banaan oo uu maalgalinayo.

Wuxu sameeyey wax indhaha dadka Soo jeeta sida: 

– Beerta Jinnawkey 
– Garoonka Jinaawkey
– Kooxda Hidaha Iyo Dhaqanka Ee Jinaawkey
-TV- Cusub Ee JinaawkeyTV,

Haddaba Somali Press -Online oo qadarineysa  Dadaalkiisa waxay sanadkaan shaqsiyadda sanadka u xulatay ” Ilyaas Cali Nuur”.

Somali Press Online waxay sanad weliba Bisha December, Dooraneysaan Shakhisiga waxtarey Bulshadda isla markaana ugu wanaagsan Gudaha Dalka Soomaaliya.

SOMALI PRESS ONLINE -2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here