Is-casilaada Shariif Xassan oo Cabsi Kale Ku Abuuri Karto Kooxda Nabad Iyo Nolol

0
91

Baydhabo(SPO)- Madaxweynahii Maamulka K/Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan shiikh aadan ayaa maanta ku dhawaaqay in uu ka tegay xilkaasi,ka dib Cadaadis xoogan oo la sheegay in la saaray.

Nin tanasulay lagama badin, kii loo tanasulayna ma badin, mararka qaar siyaasadda waxay ku soo ururtaa go’aan, xitaa hadduu yahay go’aan ka duwan filashadii la dhowrayay, hadana waa ifafaalo wanaagsan in la helo siyaasiyiin u tanasuli kara danta guud.

Sida in lakala guulaystay haddii loo qiimeeyo marxaladaha taagan, waxaa ay dhalin kartaa in siyaasiyiinta qaar ayagoo ka cararaya naaneysta guuldarada inay door bidaan dagaal iyo burbur, lakiin hadday aragtida shacabku noqoto mid siyaasi walba oo is casila lagu amaano go’aankiisa waxaa noo badan kara siyaasiyiinteena u tanasula danteena guud.

Shariif waa madaxweyne ka tagaya nidaam taagan bilow-nugul, waxayna K/Galbeed u baahantahay hogaamiye aragtidiisu ahayn qancin shaqsiyaad ama cid gaar ah oo uu awood ahaan ka cabsanayo inay saameeyaan kursigiisa, umana baahna dadku nin u cabsada kursiga ee waxay rabaan hogaamiye noloshooda lax-jeclaysta, haddaba sida lagu heli karo hogaamiyahaas waa in dadka K/Galbeed la yimaadaan isku duubni, isla markaana hogaankoodu yeesho fikiro ka madax banaan hanaanka duudsiga shacabka iyo go’doominta siyaasadda maamulka.

Arinkaaani ayaa waxaa uu culeeys xoogan ku noqon karaa Kooxda Nabad Iyo Nolol Waxaana laga yaabaa in  shariif xassan sheekh aadan uu kusoo laba-kacleeyo Dowlada islamarkaana uu u dego Naqshado siyaasadeed.


SOMALI PRESS ONLINE -2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here