Kadib 20 sano, Itoobiya oo dib u furatay Safaaradeeda Eritrea

0
73

ASMARA (SPO) – Dowladda Federaalka ah ee Ethiopia ayaa waxay dib ufurtay maanta oo Khamiis ah safaaradeeda ku taala caasimada dalka Eritrea ee Asmara kadib 20-sano oo colaado ah.

Munaasabadda dib-furitaanka waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, Madaxwaynaha Eritrea, Isaias Afeworki iyo masuuliyiin sarre oo labada dowladood ka kala socday.

Bishii Julaayo ee sanadkaan Ethiopia ayaa safarkeeda Asmara usoo magacowday Danjire Redwan Hussein. Bartamahii isla July Eritrea ayaa dhankeeda waxay dib ufurtay safaaradeeda Magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Labadaan dowladood ayaa waxaa ka dhaxaysay colaado muddo Labo qarxi ah, taasoo laga dhax-lay dhimashadda dad badan, laakiin markii uu Abiy Axmed xafiiska la wareegay bishii April ayey arrimuhu isbedaleen.

Booqasho lama filaan ah ayuu Julaayo ku tegay Amsara, isaga soo lasoo saxiixday Madaxwaynaha dalkaasi heshiis ay kusoo afjarayaan colaadda ka dhaxaysay.

Dib-ufuridda safaraadaha labadda dowladood ayaa qayb ka ahaa heshiiska ay kala saxiixdeen labadda hogaamiye, taasoo ay sheegeen inay kusoo celinayaan cilaaqadda labadda dhinac.

Eritrea oo horey u ahaa dal ka tirsan Ethiopia ayaa xorriyadda ka qaatay 1993-dii kadib dagaalo ay ku dhinteen dad ka badan 80,000 oo qof ah, kuwaasoo isugu jra Askar iyo shacab.

GAROWE ONLINE

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here