Kadib weerarki Otto Otto, Mareykanka oo digniin amni soo saarey

0
136

WASHINGTON (SPO)- – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinta u dhashay dalkaasi iyo dalalka kale inay u safraan Soomaaliya, iyadoo sababta ugu wayn ku sheegtay nabad-gelyadda, oo aan la isku halleyn karin xilligan.

War qoraal ah oo lagu soo daabacay Bogga Internet-ka ee Wasaaradda ayaa lagu sheegay in “falal dambiyeedyo, Argigixisadda iyo Burcad Badeeda” ay tahay khatarta wali ka jira Soomaaliya.

Si gaar ah waxaa farta loogu fiiqay deegaanadda Puntland iyo Somaliland, oo la sheegay inay loogu geysan karo Jid-gooyooyin aan sharci ahayn, maadaama xiisad colaadeed ay ka jirto.

“Kooxaha Argigixisadda” ayaa la sheegay in maadaama ay wali sii wadaan howlgaladdooda Is-qarxinta, falalka dilalka qorsheysan ah, iyo weeraradda tooska ah ay noqon karaan kuwa lagu beegsado.

“Waxay beegsan karaan, garoomada, dekadaha, xarumaha dowladda, Hoteeladda, Maqaaxiyaha, iyo goobaha kale ee dadku isugu yimaadaa. Kolanyadda Ajnabi ah ayay kaloo beegsan karaa,” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Kooxaha Burcad Badeeda ayaa la sheegay in meelaha ka baxsan Biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah wali ka jiraan, islamarkaana ay geysan karaan falal Afduub ah, si lamid ah kooxaha hubeysan.

Si gaar ah muwaadiniinta Mareykanka ee ku nool Soomaaliya ayaa loogu sheegay Bayaanka in aysan awoodin safaaradooda ku taala Muqdisho bixinta adeeg walba oo ay uga baahdaan, maadaama aysan ku lahayn Soomaaliya Qunsul joogta ah.

Waa markii labaad oo Mareykanka uu digniin dhanka amaanka ah uu kasoo saaro xaaladda Soomaaliya, iyadoo ay kasii horeeyeen dalalka Imaraadka iyo Ingiriiska, oo dhankooda uga digay Muwaadiniintooda.

HOOS KA AKHRI WARQADDA DIGNIINTA:

SOMALI PRESS ONLINE 2018