Khayre oo caawa ka qeyb galaya Munaasabadda Puntland

0
120

Garowe-(SPO) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Golihiisa Wasiirada ayaa caawa magaalada Garowe uga qeyb galaya Munaasabadda 20 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Puntland.

Khayre ayaa maanta la filayay inuu Garowe ka soo ambabaxo balse waxaa baajiyay oo codsaday inuu joogo Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, si uu uga qeyb galo Munaasabadda.

Sanad walba Munaasabadan ayaa waxaa la qaban jiray Kowda August, balse waxaa sanadkan ku yimid dib u dhac kadib markii ay saameysay xiisad ka dhalatay dhagax dhigga Dekada Garacad.

Ammaanka magaalada Garowe gaar ahaan Madaxtooyada Puntland oo Munaasabadda ay ka dhaceyso ayaa aad loo adkeeyay, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee xafladaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa Golaha Wasiirada waxaa la qorsheynayaa berri wixii ka dmabeeya inay ku soo laabtaan magaalada Muqdisho.

SOMALI PRESS ONLINE – 2018