Kheyre iyo shaqaalihiisa oo ku heshiiyay in sumcada laga dilo Xasan Sheekh

0
78

Muqdisho (SPO)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xafiiskiisa ayaa lagu soo waramaya iney bilaabeen qorshe lagula dagaalamayo madaxdii hore ee dalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnihii dowladiisa.

Kheyre ayaa aad uga careysan inuu Xasan Sheekh xili hore dhistay xisbi siyaasi ah, waxaa kaloo uu aaminsan yahay in Xasan Sheekh uu halis ku yahay qorshihiisa mustaqbalka oo ah inuu noqdo siyaasiga Hawiye ugu saameynta badan 2021.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Somali Press Online, in xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu qortay 30 qof oo dhalinyaro ah kuwaas oo ka shaqeyn doona qorshe lagu fadeexeynaayo madaxdii Dowladii hore.

Dadkaan aya isugu jira qaar saameyn doona warar been abuur ah, waraaqo iyo dukumentiyo beena iyo kuwa ku faafin doonaa saxaafada. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa joojin doona heshiisyadii iyo qandaraasyadii ay bixisay Dowladii Xasan Sheekh iyadoo bulshada loo tusayo in qaab musuq maasuq ah lagu bixiyay.

Sidoo kale waxaa la faafin doonaa dhismaayaal iyo boosas meelo banaan ku yaala oo been abuur ah oo Xasan Sheekh dusha laga saari doono inuu boobay, wasiiradisii hore qaarkood ayuu Hanti Dhowrku soo eedeyn doonaa sida la filaayo.

Xafiiska Kheyre ayaa shaqadaan u sameeyay qoondo lacageed gaar ah.

Arrintaan ayaa la aaminsan yahay iney halis ku tahay Dowladnimada Soomaaliya iyo geedi socda dalka. Waa dhaqan siyaasadeedkii ugu yaabka badnaa ee Soomaaliya 18kii sanno ee lasoo dhaafay.

Fahad Yasin ayaa la aaminsan yahay inuu Xasan Kheyre ku raacsan yahay in sumcada laga dilo madaxdii hore si aaney bulshadu mardambe u jeclaanin.

Arrintaan ayaa sidoo kale la doonaya in lagu daboolo musuq maasuqa baahsan ee ay wado xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre, taas oo lacagtii ummada u isticmaaleysa laaluushka xildhibaano iyo duminta maamul goboleedyada.

Waxaan idinla soo wadaagi doonaa magacyada qaar ka mid ah dadka arrintaan loo xilsaaray iyo hadba talaabada ay qaadan insha allah.

SOMALI PRESS Online – 2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here