Khilaafka Khaliijka oo laga digay in Soomaaliya uu dhibaateeyo

0
185

Muqdisho(SPO)-Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka kharaar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka Carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Soomaaliya.

Ururku wuxuu siyaasiyiinta Soomaaliyda Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay laka jirsadaan dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka taagan sabatoo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalsasaha isa soo taraya ee Soomaaliya gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Kolkii Sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xiriirka diblumaasiyadeed ujareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Soomaaliya taas oo xiriir laleh labada dhinacba.

Ururka xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wadahadal dhexmara dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka asagoo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Soomaaliya in ay ka faa’iidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.