Ku Guulaysiga Luka Modric Ee Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Oo Baxar Galinaysa Madaxweynaha Real Madrid

0
52

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in ku guulaysiga Luka Modric ee abaalmarinta Ballon d’Or-ka ay baxar galinayso madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Pérez.

Xiddiga reer Croatia oo koobka Champions League kula guulaystay Real Madrid xilli ciyaareedkii hore sidoo kale xulkiisa geeyay finalka koobkii adduunka ayaa si weyn ugu cad-cad in uu ku guuulaysto abaalmarinta oo caawa la bixin doono.

Laakiin hadii uu Modric ku guulaysto abaalmarinta Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa ku qasbanaan doona in uu abaal marin ku siiyo ku guulaysiga abaalmarintii 3-aad ee sanadka kadib markii uu horay ugu guulaystay The Best iyo xiddiga ugu fiican yurub.

Abaalmarintaas ayaa noqon doonta in uu kooxda u saxiixo heshiis cusub sida uu sheegayo wargaysku xilli Modric oo 33 jir ah heshiiskiisa haatan dhici doono xagaaga 2020.

Laakiin Modric ayaa heshiis cusub oo waliba mushahar leh ka heli doona Real Madrid hadii uu ku guulaysto abaalmarinta Ballon D’or-ka ay bixiso majalada France Football.

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here