Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday iyo sababta oo la ogaadey

0
49

MUQDISHO(SPO) – Kulankii lagu waday in mudanayaasha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeeshaan maanta oo Arbaco ah magaalada Muqdisho ayaa u baaqday Kooram la’aan, sida uu ku dhawaaqay gudoonka Gollaha.

Xoghaynta Aqalka Hoose ayaa sheegtay in saddex meelood labo meelo [3/2] ay ka maqneyd kulanka, taasi oo aanan suuragelinaynin inuu qabsoomo kulanka, sida uu xeerinayo xeer-hooska Gollaha Shacabka.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa labo qodob oo kala ah; Dhageysiga labaad ee sharciga xuquuqda siinaya Mudanayaasha iyo Siyaasiyiinta xilalka soo qabtay iyo hindisa sharciyeedka duulista hawada iyo saadaasha.

Wasiirka Duulista ee xukuumada Soomaaliya, Maxamed Salaad Omaar ayuu qorshuhu ahaa inuu goobjoog ka ahaa dooda ku aadan hindisa sharciyeedkani, kaasi oo heerarka kala duwan ee akhrinta la marsiin doono.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo baaqshada kulanka kadib hadal kooban jeediyay ayaa carabka ku dhuftay inay wax aanan loo dulqaadan Karin Xilldhibaanada ay iska maqnaadaan.

“Fadhiga soo socda, waa lasoo bandhigi doonaa magacyadda Mudanayaasha fasax la’aanta maqnaa. Sababta oo ah maanta waxaan ushaqayn waynay kooram la’aan,” ayuu yiri Gudoomiye Mursal, oo luqad adag ku hadlay.

Waa markii labaad oo gudoonka Gollaha Shacabka uu digniin tan lamid ah uu udiray Sharci-dejiyaasha, kuwaasi oo qaarkood la fahansan yahay inay jiraan degaanada maamulada qaar oo ay xasarad ka taagan tahay.

SOMALI PRESS ONLINE – 2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here