Kuuriyada Waqooyi oo u digtay Donald Trump

0
105

Washington(SPO)- Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in dowlada Maraykanka ee Donald Trump ay carqalad ku heyso dadaalada nabada ee u dhaxeeya labada Kuuriya.

Xili la filayo in dhamaadka bishan uu kulan dhexmaro Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un ayaa waxaa soo baxaya hadalo lid isku ah oo ay labada dhinac warbaahinta isu marinayaan.

Xukuumada Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku faantay in cadaadiska ay saartay Kuuriyada Waqooyi ay soo dadajiyeen wadahadalada u bilowday Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfureed, isla markaana uu guushaasi sabab u ahaa Donald Trump.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi oo lagu shaaciyey warka kasoo baxay hogaanka dalkaasi ayaa lagu sheegay in wadahadalka ay furtay dowladaasi ay sabab u tahay xiriirka dhexmaray labada Kuuriya balse aysan arrintan kaalin ku lahayn Maraykanka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedaysay dowlada Maraykanka inay dadka jahwareerinayaan, isla markaana ugu baaqday xukuumada Washington inaysan carqaladeyn dadaalka hada socda.

Kulankii todobaadkii hore dhexmaray labada Hogaamiye ee Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfureed ayaa lagu sheegay in labada dal ay ka shaqeyn doonaan joojinta xiisada iyo dhaq dhaqaaqa militari, iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay balan qaaday inay joojin doonaan barnaamijkooda Nukliyeerka hadii Maraykanka ciidamadiisa kala baxo gobalka oo uu balan qaado inuusan soo weerari doonin dalkaasi.

Somali Press Online 2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here