Maamulka Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool oo furay mashaariic laga fulinayo degmaga xuddur.

0
145

Kulankaan Maanta lagu dahfurey mashaariicdaan ay si wadajir ah ufulinayaan Wasaarada Howlaha guud iyo dib-udhiska ee maamulka koofur galbeed, wasaarada Arimaha Gudaha, Maamulka Degmada Xuddur iyo Hay’ada ILO ayaa waxa goobjoog ka ahaa Shirkadaha utartamaya fulinta mashaaricdaan, waxana goobta lakeeney sanduug ay ku jiraan documentiyaalkii ay soo xareeyeen shirkadaha waxana kulanka lagu shaaciyey shirkad walba lacagta ay u soo qorotay in ay ku fulineyso mashaariicdaan oo ka kooban labo (2) wado oo dib u hagaajin lagu lasameynayo iyo Iskuul dayactir iyo dhismo cusubba lagu sameynayo.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Xuddur ahna kusimaha guddoomiyaha degmada Mustaf Aadan Aadan oo kulanka furey ayaa sheegey mashaariicdani ay hordhac u tahay mashruucyo kale oo ku soo xiga wuxuna ladardaarmey shirkadaha in ay si wadaniyadnimo ku jirta ay u fuliyaan.

Agaasimaha Wasaarada Howlaha guud iyo dib-udhiska dowlad goboleedka koofur galbeed soomaaliya Maxamed suufi aadan ayaa sheegey in wasaarada ay ugutalagashey injineer wasaarada ka socda oo kormeeraya mashruuca si wax lafulinaayo ay u noqdaan wax tayo leh, shirkadahana wuxu ugu baaqey in ay iska diiwaan geliyaan wasaarada howlaha guud iyo dib-udhiska shirkad aan fasax ka heysanina aan mashurrc lagu aamineynid in ay ka fuliso degaanada maamulka koofur galbeed.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dibooshisiinta ee Maamulka koofur galbeed soomaaliya Cumar Maxamed Macalin ayaa sheegey in wasaarada arimaha gudaha ay mauuliyad gaar ah ay ka saaran tahay fulinta mashaariicdaan wuxuna sheegey in shirkadaha si cadaalad ah lagu kala xulan doono.

Mustaf Aadan Aadan Kusimaha guddoomiyaha degmada ayaa sanduuga furey si loo xaqiijiyo shirkadaha isa soo diiwaangeliyey islamarkaana u tartamaya fulinta mashruucaan iyo qiimeyntooda ay sameeyeen.

Gabagabadii guddoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur Snake ayaa kulanka soo xirey wuxuna balan qaadey in mashaariicdaan deegaanadaan laga fulinayo ay ugu talagaleen in ay ka faa’ideystaan shirkadaha ka howlgala Gobolka Bakool hadii ay awoodaan.

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here