Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in Al Shabaab ay leeyihiin Hal hadaf

0
166

Kismaayo-(SPO)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa cambaareeyay weerarka ay Al Shabaab ay maanta ka gaysteen xarunta degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe ayaa Alle uga baryay dadkii goobtaas ku dhintay in uu naxariistii jano ka waraabiyo, halka kuwa dhaawacmay uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in Al Shabaab ay leeyihiin Hal hadaf oo ah in ay dilaan qof walba oo aan iyaga ka mid ahayn, wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacmaha is qabsadaan oo aanay ogolaan in maalin walba qaar iyaga ka mid ah la dilo.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay ka gaabisay masuuliyadii ka saarayd amniga iyo xoraynta dalka taa badalkeedana ay khalkhal iyo shaqaaqooyin ka abuurayso degaano nabdoon iyadoo taasi ay fursad u siisay Al Shabaab in ay gaystaan weeraro ay dadka shacabka ah iyo xarumaha dowladda ku beegsanayaan, wuxuu kaloo sheegay Axmed Madoobe in gobolada qaar ay dib u soo noqdeen dagaaladii qabaa’ilka iyo awoodii Al-Shabaab.

Ismiidaamiye ka tirsanaa Ururka Al Shabaab oo kaxeynayay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta beegsaday xarunta degmada Hodan, wuxuuna halkaasi ku dilay ciidan iyo shacab.

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here