Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dagaalka Tukaraq

0
190

 Hargeysa(SPO)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa gaadhay goboladda Awdal iyo Selel ee masiibooyinka duufaanta ahi ku dhufteen, kuwaas oo ay u geeriyoodeen in ka badan konton qof, halka dadkii kale ka barakaceen guryahoodii ka dib markii ay burbureen.

Saddexdii maalmood ee u dambeeyey waxa diyaarado helicopter ah oo ay ku caawiyeen Imaaraadka Carabta daad gureynaysay raashinkii iyo Hugii la gaadhsiin lahaa dadkaasi duufaantu waxyeeshay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa deegaanadad uu soo maray waxa ka mid ahy Saylac, Caasha-caddo, Lughaya iyo Gargaara Bari oo roobabkii dabaylaha watay ay khasaare ballaadhan gaadhsiiyeen.

“Maanta waxan ogahay inay Somaliland min lawyo-caddo ilaa Badhan inay gurmad ku jirto oo ay qoys kaliya oo isu wada damqanaya tahay oo ay soo wada eegayso dhibaatada maanta dhacday, Somaliland way isu gurmanaysaa, waxaana ay leedahay saaxiibbo badan, saaxiibkaa iyo nin waliba inta uu kuu jiro marka ay dhibaato dhacdo ayaa la arkaa, Jabuuti iyo Carabtuba waad arkaysaan inay cidda inoogu soo horraysay ee inoo soo gurmatay inay yihiin.”ayuu yidhi Biiixi.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu kafaalo qaaday wiilkii ardayga ahaa ee qoyskoodii duufaantu ka laysay, waxaanu xusay inuu hadda uu qaadayo, waxaanu yidhi “Waxa jira qoys dhawr iyo toban qof ahaa oo wiil yari ka hadhay, wiilkaasna waanu doonaynaa, haddii reerkoodii baxayna qarankiisii baa jooga, xilkuna qaranka ayuu saaran yahay, markaa wiilkaasi inuu na raaco ayaanu doonaynaa,”

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Tuko raq oo uu sheegay in ciidanka la soo wareeray wakhti dadku ku mashquulsan yahay samatobixinta dadkii duufaantu ku dhacday, waxaanu yidhi “Innaga oo hawshaas gurmadka ku jirna oo ay Ramadaan tahay oo dadka wixii aynu wax isu nahay inoo gurmanayaan waxa war ah in labada Soomaaliyeed ee dhinacyada inaga xiga oo midi Jabuuti yahay uu gurmad iyo naf-qaybsi inoo keenayo, ka xagga Bari inaga xigaana uu weerar inagu soo qaaday, taasina ay wax Bani’aadam-nimada ka baxsan tahay in bil Ramadaan dad gurmad ku jira lasoo weeraro.”

Waxaanu intaas ku daray “Waxanu u sheegaynaa Somaliland horumarkeeda way difaacaysaa horena way u soconaysaa, Somaliland dagaal uma jeeddee nabad bay u jeeddaa, Somaliland gurmadkeedana way wadaysaa dagaalka cadowgana way iska difaacaysaa, Somaliland way dabbaal degaysaa maalmaheedda ciidaha sida munaasibadda 18-ka May oo kale ah iyo ciidaha Islaamka oo kale, Iskuulladeedu way furnaanayaan, Cusbitaalladeedu way korayaan, dadku wuu shaqaysanayaa, dalkana waanu difaacaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu shahaado sharafyo guddoonsiiyey hawl-wadeenadii iyo shaqaalihii diyaaradaha imaaraadka carabta ee u soo gurmaday samato bixinta dadkii ku waxyeeloobay duufaantii masiibada ku riday qoysas tiro badan oo dad iyo xoolaha ku ku tabaaloobay masiibadaasi.

SOMALI PRESS ONLINE 2018