Madaxweyne Lafta-Gareen oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub Ee Puntland

0
93

Baydhabo(SPO)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.

– Waxaan  Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa  Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, waxaan  xasuusinaya himilooyinka bulshada Puntland ee ku aaddan in ay  deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar –

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Laftagareen ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Baarlamanka Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland.

Mudane Laftagareen ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Lagtagareen yaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo  Ku-xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo  igmaday.

SOMALI PRESS ONLINE -2019

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here