Madaxweyne Lafta-Gareen oo magacaabay Guddi soo baara Shaqaaqooyinkii Baydhaba [Akhriso]

0
110

Baydhabo(SPO)- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa magacaabay Guddi xaqiiqo raadin ah oo baaraya shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee doorashadii ka horeeyay.

Wareegto ka soo baxday C/casiis Laftagareen ayaa lagu magacabaya Guddigan oo ka kooban 7 xubnood, kuwaasoo la sheegay inay keeni doonaan xaqiiqada dhabta ah ee  shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Baydhabo ayna ku dhinteen dad gaaraya 15 qof.Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii wakiilkii hore ee Q/Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya uu su’aalo culus arritan ka weydiiyey wasiirka amniga Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya laga sugayo jawaabta faragelintii ay ku sameysay doorashadii K/Galbeed ee uu ku soo baxay C/casiis Lafta-gareen.

SOMALI PRESS ONLINE

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here