Malaysia oo lagala noqday martigalinta ciyaaro caalami ah,kadib markii ay diiday Isra’iliyiinta

0
87

London (SPO)-Guddiga Caalamiga ah ee ciyaraha dadka le baahiyaha gaarka ah ayaa ku dhawaaqay inuu raadinayo dal lagu baddilo Malaysia si loogu qabto tartanka  dabaasha bisha July ee soo socota kaasoo qorshuhu ahaa in lagu qabto magaaladda Kuching ee ku taala bari Malaysia.

War qoraal ah oo uu soo saaray Guddiga Caalamiga kadib kulan uu ku yeeshay maanta oo Axad ah London ayaa lagu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee Malaysia ay ku xadgudubtay maamuus ka la xiriira heesta qaranka, calamda iyo dal ku galka (visa) ah baahan yahay, iyada oo u oggollaan wayday inay siiso kooxda dabaasha ee Isra’iiliyiinta dammaanado ku filan si ay uga qaybgalaan tartanka si bad-qab ah iyaka oo aanan takooraynin.

Dhinaca kale isaga oo jawaabaya go’aanka dalkiisa loogu diiday inuu martigeliyo tartankan, ayaa wasiirka ciyaaraha ee Malaysia Sayid Sadiq Cabdul Raxmaan uu xaqiijiyay in Malaysia aynan ka noqon doonin go’aankeeda,iyo in aynan samayn doonin wax gorgortan ah.

Wakaaladda wararka ee Malaysia oo soo xigatay wasiirka ayaa waxa uu yiri, “Haddii martigalinta dhacdo ciyaareed ay ka muhiimsan tahay inaan garab joogsana walaalaheen Falastiiniyiinta ee la layanayo, xubnahoogana la googoynaya, jirdilna ay kala kulmayaan guumaysiga Isra’iil, taas oo macnaheedu waxa uu yahay inaan seegno jihada akhaalqda “.

Raysal wasaaraha Malaysia Dr.Mahathir Maxhamad ayaa hore u sheegay in ciyaartoyda dabaasha ee Isra’iil aanan loo oggolaan doonin inay ka qeyb galaan tartanka.

Mahathir Maxamad ayaa sheegay in Isra’iil aynan ku dhaqmin xeerarka  caalamiga ah iyada oo sii wadaa howlaha guumaysiga iyo dejinta Yuhuuda dhulka Falastiiniyiinta,isaga oo intaa ku daray dalkiisu u arko Isra’iiliyiinta ” kuwo ka imaanaya dowlad dambiile ah” oo ” aanan looga baahnayn Malaysia”.

Dhiniciisa wasiirka arrimaha dibada Malaysia Safa al-Diin Cabdullah oo hore uga hadlay arrinta toddobaadkii hore ayaa xaqjiiyay in arinta Falastiiniyiinta aynan kaliya ku eegin aragtida diimeed,balse ay tahay arrin bini’aadamnimo iyo arrin la xiriira xuquuqda bini’aadanka,isaga oo intaa ku daray in arinku ku saabsan yahay dagaal lagu matalayo kuwa la dulmiyay.

SOMALI PRESS ONLINE -2019

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here