Marco Verratti Oo Magacaabay Xiddiga U Sharaxan Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or-ka

0
42

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Marco Verratti ayaa tilmaamay xiddiga ugu sharaxan ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or oo caawa lagu bixin doono caasimada France ee Paris.

Verratti ayaa rintaas ka hadlay kadib bar-barihii 2/2 ahayd ee ay kooxda PSG la gashay kooxda Bordeaux kana tirsanaa horyaalka France todobaadkiisii 15-aad.

Abaalmarinta Ballon d’Or-Ka ayaa caawa la shaacin doonaa iyada oo ay u tartami doonaan xiddig badan oo lagu kala saari doono inta ay socoto xaflada oo caawa dhici doonta.

Taageerayaasha iyo Saxaafada ayaa si weyn ugu saadaalinaya in ay abaalmarinta xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Luka Modric kaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Verratti ayaa ka fikir duwan isaga oo aaminsan in uu xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Kylain Mbappe u sharax yahay ku guulaysiga abaalmarinta Ballon D’or-ka sanadka 2018.

Isaga oo la hadlaya Majalada France Football ayuu yidhi”Aniga ahaan waxa aan aaminsanahay in uu u sharaxan yahay abaalmarinta Mbappe sababta oo ah waxa uu ku guulaystay koobab badan isaga oo waliba da,yar ah

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here