Marek Hamšík “Lagama Yaabo In Aan Ku Biiro Kooxdaan Reer Italy”.

0
118

Xiddiga kooxda Napoli ee Marek Hamšík ayaa dhaleeceyn kale kala duldhacay saaxibkiisa hore Gonzalo Higuaín kaasi oo dhowr sano ka hor u wareegay Juventus .

Gonzalo Higuaín ayaa Juventus u wareegay xagaagii sanadkii 2016-ka xilligaas oo uu 75 milyan oo gini uga wareegay kooxda Napoli waxa uuna haatan amaah ugu joogaa AC Milan.

Marek Hamšík ayaa Clacico Mercato kayiri “aad ayaan uga xumaa in Gonazalo ka huleelo Napoli balse waan tix gilinayay go`aankiisa.

” Waan tix gilinayaa go`aankiisa balse aniga lagama yaabo in aan Napoli aan Juventus uga wareego waligeey” ayuu yiri Marek Hamšík

Talaabadii Gonzalo Higuaín uga wareegay Juventus ayaa dhalisay isku dhac dhexmaray taageerayaasha Juve iyo Napoli xilli taageerayaasha Napoli gubeen maaliyaddii Gonazalo .