Mareykanka iyo Britain oo isku raacay in ay toos u weeraraan dowladda Suuriya xilli Ruushku ka digay

0
161

Washington(SPO)-Madaxweyne Trump iyo ra’iisalwasaaraha Britain Theresa May ayaa ku heshiiyay in laga jawaabo weerar ka dhacay magaalada Duuma ee dalka Suuriya oo sida la sheegay loo adeegsaday hubka kiimikada.

Labadan hoggaamiye iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka baaraan degaya suurtagalnimada in tallaabo milatari laga qaado dowladda Suuriya.

Madaxweyne Trump iyo xoghayihiisa gaashaan-dhigga James Mattis ayaa arrinta Suuriya awgeed uga baaqday safar u qorsheysnaa dhammaadka toddobaadkan.

Xarunta Qaramada Midoobeyna waxaa ka soconaya dedaallo diblomaasiyadeed oo iska soo horjeeda oo ay kala wadaan waddamada Ruushka iyo Mareykanka, kuwaas oo looga gol-leeyahay sidii loo baari lahaa dhacdadaasi, waxaana warar iminka soo shaac baxaya ay sheegayaan in dadaaladaasi uu Ruuhsku saarat diidmada qayaxan ee loo yaqaan VETO.

Baarayaal caalami ah ayaa sheegaya in ay aadayaan dhanka magaalada Duuma ee dalka Suuriya si ay u soo ogaadaan xaqiiqda jirta.

Dhabka kale safiirka Ruushka u fadhiya Golaha Ammaanka Vassily Nebenzia ayaa sheegay in uu digniin ku aadan weerarka tooska ah ee ay qorsheynayaan Mareykanka iyo xulufadiisa u diray xukuumadda Washington , wuxuuna ku wargeliyay in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto maadaama ay dalkaasi ku sugan yihiin ciidamo ruush ah.

Dowladda Ruushka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeynta ah in weerar sun ah ay dowladda Suuriya geysatay, balse waxa uu ku eedeeyay in ay sun adeegsadeen mucaaradka uu Mareykanku taageero oo awoodooda lasii wiiqayo.

SOMALI PRESS ONLINE 2018