Maxaa lagu xasuusanayaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

0
165

Waxaa 30-kii bishii tagtay Seteembar Xamar looga dhawaaqay Xisbi cusub oo magaciisu ka kooban yahay saddex eray “Midoowga Nabadda iyo Demoqradiyadda”, kuwasoo xagga micnahaka tarjumaya arrimo ay bulshada Soomaaliyeed si aad ah u tabeeyso, harraad weyna u qabto dhaqangalinta nuxurka ay xambarsan yihiin. Waa haddii laga dhabeeyo oo aanay ahayn dhalanteed iyo dhawaaq afka ah oo bulshada lagu indha-saracaadinayo.

Waxa xisbiga cusub, si kumeel gaara ah, Guddoomiye loogu doortay Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud. 

Soomaalidu waa hilmaan dhawdahay, isla markaana caadifada qabiilka ayey u dhaganugushay oo u dabran tahaye, horta Xasan Shiikh waa kuma? 

Aan ku bilaabee, marka kowaad, la iskuma diidana oo doodi ka dhalanmeyso:

1) In si aan cidina filaneeyn oo saadaasha iyo malaha qof kasta aan marna odoros iyo ishaaro ugu soo dhicin loogu doortay Xasan Shiikh Madaxweynaha JFS, asagoo hayay muddo xileedkii 2012-2016.

2) In markii, 8-dii Febaraayo 2017 looga adkaaday 187 cod tartankii doorasho Madaxweyne, uu muddo yar kadib u dhoofay dalka Turkiga, asagoo riman qorshe iyo abaabul rogaalcelin dagaal siyaasadeed.

3) In asagoo ka sabri la’ kursigii muudsiga iyo macaanka badanaa ee “Villa Somalia”uu, ma nasane, durbadiiba halkaas ka bilaabay abaabul iyo asteeyn barnaamij Xisbi iyo laba-kacleeyn siyaasadeed. Waxaan yaraanteydii maqli jiray halku-dheg dhahaya: “Dhadhanshaa waalan dhargaana ka daran” oo malaheeyga loola jeedo “Siyaasadda”.

4) In hal sano, 7 bilood iyo 22 cisho kadib, guuldaradii ka raacday doorashii xilka Madaxweyne ee lagu qabtay Xarunta Ciidanka Cirka Xamar uu Xasan ku dhawaaqay Xisbiga aan magaciisa kor ku soo xusay.

5) In madasha xisbiga lagu daahfuray safafkeeda hore dadka fadhiyay ay ka mid ahaayeen labo kooxood:

a- Wajiyo aan nagu cusbeyn, balse la wada garanayo ee reer “Damujadiid”.

b- Kuwo ay dhaqan ama balwad midba u tahay in wax la mucaarado oo markasta iyo xilli kasta gadaal ka saaran gaariga mucaaradka.

Anigoo ka duulaya cinwaanka qormadaan, isla markaana soo koobaya, waxaa Xasan Shiikh lagu xasuustaa:1) Waxa uu nasiib u yeeshay in, 22 sano oo fawdo iyo Dawlad kumeel gaar ah kadib, uu hoggaamiyo Dawlad Soomaaliyeed rasmi ah oo adduun-weynuhu aqoonsan yahay.

2) Waa qofkii si aan gambasho lahayn u dhaqangaliyay in tartanka kuraasta Barlamaanka la isku faliso si la mid ah dhaqanka ka jira suuqa loo iibgeeyo xoolaha. Sidaana kuraasta qaarkeed uu, asagu si gaarka ah, shiishka u saaray ay gaareen qiimo dhan “hal malyan iyo bar doolar” iyo ka sii badan.

“Waxa uu nabaday waxa uu nabaray ayaa ka daran”.

3) Musuqmaasuqa iyo ku tagrifalka Maaliyadda iyo Hantida maguurtada ah ee qaranka ayaa ahaa wax laga naxo oo hadal-haynteedu ku baahday birri (goob degaan) kasta iyo bulshada dhexdeeda.

4) Cabdiraxmaan Beyle -Wasiirka Maaliyaadda xilligaan- mahadi ha ka gaartee, muddo gaaban ayuu habka Maamulka Maaliyadda Qaranka u dajiyay qaab ama habraac hufan oo ummadda Soomaaliyeed iyo adduun-weynaha qancisay.

Xasan Shiikh intaas waa fahamsanaa (garanayay) balse asaga iyo xulufadiisa ayaa is tusay iskuna qanciyay in maslaxadooda gaarka ah iyo hab-raaca hufan ee Maaliyadda aanay isla jaanqaadi karin.

5) Dalku waxa uu ku jiray xaalad dagaal. Marka la maqlo erayga xaalad dagaal waxaa qof kasta maskaxdeeda, markiiba, ku soo dhacaya Ciidamada Qalabka Sida (CQS), gaar ahaan Xoogga Dalka Somaaliyeed (XDS) oo asagu duurjoog iyo duruuf adag ku shaqeeya, isla markaana, u taagan difaaca dalka iyo ka hortagga cid kasta oo duulaan ku ah jiritaanka iyo awoodda Qaran Soomaaliyeed. 

Xasan Shiikh, asagoo ka leh ujeeddo guracan ee shaqsiyadeed ama kooxeed ayuu Maamulkii Maaliyadda XDS uu dhiibay wiil da’ yar oo Juffadiisa ah, kaasoo aan lahayn aqoon iyo waaya-aragnimo ku filan oo dhanka ciidanka ah iyo guud ahaan maamulka iyo maareeynta Maaliyadda. Taasi waxa ay dhashay niyadjab iyo Maamul xumo baahday ee xagga Ciidanka ah, sida:

a- In Ciidanka duurka iyo daleesha u taagan difaaca dalka uusan lahayn gogol uu ku seexdo, gabaad uu dhaxanta ka galo habeenkii iyo meel uu ugu hagaago gasiin (raashin) uu cuno.  Wiilkuna uu  4-ta jeeb ee tuutihiisa doolarka  ku cabbeeyo, sida uu doonana ugu tagrifalo, cid ka hadli kartana aany jirin maadaama uu aar libaax (Xasan Shiikh) awoodiisa ku difaacayo.

b- In laga maago bixinta Mushaharka Ciidanka ku sugan xaladdaas nololeed.  Sidaana Ciidanka la gaarsiiyay heer uu ku qasban yahay in uu dariiqa u istaago tuugsiga gaadiidka halkaas  maraya xilliga qadada.  Wixii tabaruc lacageed ay qaabkaas ku helaana la aadaan buushashka dumarku ka sameeystay agagaarka Xerada, maadaama aanay jirin jiko loo diyaariyay quudashada Ciidanka.

6) In Xasan Shiikh iyo xulufadiisu si ihaano iyo liidnimo leh isugu dhiibeen Gabre oo degaan ka dhigtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, asagoo matalaya danaha Tigreeda Addis Ababa iyo Mekelle. Gabre waxa uu door muuqda iyo faragalin toos ah ku lahaa go’aan qaadashada yo guud ahaan maamulka dalka.

Waxaa xusid mudan, in ninkaas jinniboqorka noqday, magaciisa iyo maqalkiisu raacay maamulkii Xasan Shiikh oo aan dib dambe loo arag.  

7) In ay jirtay faragalin iyo hagardaamo heer Gobol ah, si loo wada fahmo ujeeddada aan ka leeyahay qodobkaan 7-aad, waxaan tusaale u soo qaadanayaa Gobolka Hiiraan magaalo Madaxdiisa “Beledweyne “. Magaaladaas waxaa, ilaa taariikh fog, ka jiri jiray Gole Salaadiin (Ugaasyo, Waabaro iyo wax u dhigma). Waxaa Salaadiinta hoos imaanayay Golayaal kale oo u dhisan qaab beedeed loona yaqaanno “Nabadoono”.  Labadaas Gole ee kala sareeyay waxa ay u heelanaayeen: Nabadeeynta, garnaqsiga iyo guud ahaan xallinta mashaakilka la xiriira Dhaqanka. Waxaa intaa u dheeraa talosiinta Madaxda heer Degmo iyo Gobol marka ay quseeyso arrimaha bulshada degaanka.  


Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumad Ugaas Cilmi iyo Ugaas Khaliif Ugaas Rooble Ugaas Warfaa

Magaalada Beledweyne waxa, si gaar ah, caan ugu ahayd doorka Golayaashaas iyo xiriirka joogtada ah ee ka dhaxeeyay  oo ku saleeysnaa: Isqadarin, wadatashi iyo wax isku quurid. Qof taqaanay iyo qof maqashayba, waxaa markiiba kugu soo dhacaya doorkii karaamada iyo haybadda lahaa ee marxuum Ugaas Khaliif Ugaas Rooble UgaasWarfaa iyo marxuum Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumad Ugaas Cilmi oo aan muuqaalkooda qormada ku soo lifaaqay iyo kuwo kale.

Xilligaan la joogo labadaas Gole xubnahoodu wax xiriir iyo wadashaqeeyn ah oo sidii la rabay u socda ma jiraan, sababteedana waxaa ka dambeeyay oo ka hawlgalay Xasan Shiikh, asagoo arrimo siyaasadeed uga faa’ideeystay sidaana burbur iyo kala shaki ka dhex beeray.

Guntii iyo gabagabadii

Ummadda Soomaaliyeed waxaa soo martay muddo ku filan in ay ku barato Xasan Shiikh ugana bogato, mana filayo in ay Xasan u hartay fursad uu mar kale ku qaldi karo Bulshaweynta Soomaaliyeed. 

Kuwa hadda sheegaya in ay kula shirkoobeen Xisbigaas oo aan si kumeel gaar ah ugu magacaabayo “Kooxda Ujeeddo badan” , waxaan saadaalinayaa in muddo dhaw ay kala firxadaan ayagoo faraha isku fiiqfiiqaya.


Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)
dirirgodah@gmail.com
London, UK