Maxkamadda ku taalla London oo go’aan ka gaartay kiiskii Jabuuti iyo DP World

0
117

London(SPO)- Maxkamadda dhexdhexaadinta caalamiga ah ee London ayaa go’aan ka gaartay dacwaddii u dhexaysay Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shirkadda Dubai Ports World.

Maxkamadda ayaa xukuntay inuu shaqaynayo heshiiskii u dhexeeyay labada dhinac ee ay dawladda Jabuuti ka baxday lix bilood ka hor.

Maamulka Dekadaha ee Jabuuti ayaa go’aankan ku gacansaydhay. Maareeyaha Dekadaha Jabuuti Abubakar Cumar Xaddi ayaa sheegay in maxkamadda dhexdhexaadinta ee London aynan qaadi Karin dacwaddan waxa uuna yiri “Mowqifkeenu waa uu cad yahay wax aanu diidnay in aanu maxkamadda tagno, waayo maxkamadda awood uma laha in ay qaaddo dacwad noocan oo kale ah”

Maareeyaha dekadaha Jabuuti Abuukar Cumar Xadi ayaa intaas ku daray in shirkadda Doralle Continental Terminal ay dacwadda ka gudbisay Dowladda Jabuuti wax uuna maareeyaha sheegay in shirkaddaa saamiga ugu badan ay leedahay dowladda Jabuuti.

“Shirkadda Doralle Continental Terminal ayaa dacwadda inaga gudbisay shirkadaana saamiga ugu badan inaga ayaa leh, hadii ay DP World naga gudbin laheyd wax ay ahaan laheyd wax macquul ah dhanka kale shirkadda DCT waxaa baabi’iyay baarlamaanka Jabuuti mana lahan sharciyad jiritaan sidaa darteed ma jiraan wax inaga quseeya go’aanka Maxkamadda ay gaartay” ayuu yiri Abuukar Cumar Xadi.

Maxkamadda dhexdhexaadinta caalamiga ee London ayaa go’aamisay in heshiiskii ay wada saxiixdeen dowladda Jabuuti iyo shirkadda DP World uu sidiisi yahay inkastoo maareeyaha dekadaha Jabuuti Abuukar Xadi uu sheegay in dowladda Jabuuti aanay aqbali doonin go’aanka ay gaarat maxkamadda.

Bishii Febraayo ee sanadkan aynu ku jirno ayey aheyd markii ay dowladda Jabuuti ka baxday heshiiskii dowladda Jabuuti iyo DP World ka dhexeeyay kaasoo lagu abuuray shirkadda DTC oo saamiga ugu badan 67% ay laheyd dowladda Jabuuti halka 33% ay laheyd shirkadda DP World.

SOMALI PRESS ONLINE – 2018