Mnangagwa oo loo doortay Madaxweynaha Zimbabwe

0
91

HARARE (SPO)- Hoggaamiyaha xisbiga ZANU-PF Emmerson Mnangagwa ayaa ku guuleystey doorashada madaxtinimada ee dalka Zimbabwe.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana Mnangagwa uu helay 50.8% codadka la dhiibtey, halka murashaxii ugu soo dhowaa oo lagu magacaabo Nelson Chamisa kana tirsan xisbiga MDC uu helay 44.3%.

Emmerson Mnangagwa oo si kumeel gaar ah u hayey xilka madaxweynaha Zimbabwe tan iyo bishii November ee sanadkii 2017, markaas oo xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Robert Mugabe, wuxuu soo noqdey madaxweyne ku xigeenka dalka Zimbabwe.

Dibadbaxyo rabshado wata islamarkaana lix qof ku geeriyoodeen hanti badanna lagu burburiyey ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey ka dhacayey caasimadda Harare, kadib shaacintii doorashada baarlammaanka taas oo xisbiga ZANU-PF helay aqlabiyadda kuraasta loo tarytamay.

Mucaaradka ayaa qaadacay natiijada doorashada iyagoo ku tilmaamay in lagu shubtay oo aysan ahayn mid ku dhacday hab xalaal ah oo hufan.

SOMALI PRESS ONLINE – 2018