Musharax Lafta-Gareen Oo Kasbadey ‘Taagyeerada Xildhibaanada KG Somalia

0
277

Baydhabo(SPO)- Musharax C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ka mid ah mid Musharaxiinta U taagan Jagadda Madaxweyninimo Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kasbey  Taagyeerada Xildhibaanada Baarlamanaka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Shacabka Weynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Xili Doorashadu ay soo dhowdahay.

Musharax Lafta-gareen ayaa irida u furay; Xildhibaanada, Waxgaradka , Siyaasiyiinta Iyo Qiibaha Kala gedisan Ee Bulshadda rayidka taasoo sababtey inuu helo, taasgyeero iyo weliba Sumcad Hor leh.

Muxuu sameeyey is sharaxaadiisa ka dib : 

-Ballan-qaadka Agoomaha Baydhabo- Musharax C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), wuxuu noqdey Musharaxii Ugu Horeeyey Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ilaa iyo iminka Booqaday Xurunta agoomaha Ee Magaalada Baydhabo, isla markaana Balanqaad rasmi ah u sameeyey Caruurta agoomaha ah ee Ku jirta Xaradaas.

‘ hadii aan ku guuleysto Madaxweyninimada KG Somalia, waa la idin gacan qabanaa si ka duwan sidii hore’ ayuu yiri Musharax Lafta-gareen.

-Deeqda Barakacyaasha Baydhabo – Musharax C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), wuxuu deeq raashin ah gaarsiyey in ka badan 700 qoys oo ku nool kaamamka Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, isla markaana wuxuu noqodey Musharaxii ugu horeyey ee xasuusta Danyarta ku rafaadsan Gudaha Magaalada Baydhabo ,kuwaasoo ka mahadceliyey.

– Taakuleynta Ciidanka Dowlada KG Somalia Ee Gobolka Bakool – Musharax lafta –gareen wuxu deeq lama filaan ah oo dhan $5000 gaarsiyey Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Sugan Degmada Go’doonsan Ee Xudur kuwaasoo bilooyin badan aysan helin Mushahaar iyo gunooyin, isla markaaana wuxu noqdey musharaxiin ugu horeeyey Ee isa soo sharaxay  Madaxweynaha Koonfur Galbeed Ee  Kasbay Taagyeerada Ciidamada KG Somalia.

-Ka Fogaanshaha Qabyaalada –Musharax lafta-gareen waxa lagu tiriyey musharax aan cidna faquuqeyn isla markaana ma ahan qof ka muuqato,’ isla weyni’. Wuxu ku sifoobey Runta iyo rajo-galinta Bulshadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waa Kumaa Musharax Lafta-gareen?

=Waxbashadda-

Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta.

Shaqadda

Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda.o

Ugu dambeyntii 19 Bishan ayaa lafilaya inay qabsoonto Doorashada Madaxweyninimo Ee KG Somalia ; iyadoo  musharaxiinta ay wadaan kulumo kala duwan.

SOMALI PRESS ONLINE -2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here