Nasashada Kooxda: Shan Sababood Oo Ay U Fiican Tahay In Ayna Lionel Messi & Cristiano Ronaldo Ku Guulaysan Ballon d’Or-Ka

0
53

Waxa caawa la ogaan doonaa xiddiga ku guulaysan doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or iyada oo si weyn loo filayo markii ugu horaysay muddo 10 sano ah in uu abaalmarinta ku guulaysto xiddig aan ahayn Cristiano Ronaldo & Lionel Messi kuwaas oo abaalmarinta isku badalayay 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaan ku guulaysayn abaalmarinaha The Best ee ay FIFA Bixiso iyo xiddiga ugu fiican yurub kuwaas oo uu ku garaacay xiddiga Luka Modric.

Wararka ayaa si weyn Luka Modric ugu saadaalinaya in uu ku guulaysto abaalmarinta isaga oo noqon doona xiddigii ugu horeeyay ee aan ahayn Ronaldo iyo Messi ee ku guulaysta abaalmarinta tan ilaa 2008 Markaas uu Kaka Ku guulaystay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa shan sababood oo ay u fiicantahay in ayna Xiddigaha Ronaldo iyo Messi ku guulaysan abaalmarinta sanadkan.

Image result for Ballon d'Or 2018

1.Bilow Cusub:

Wax walba adduunka waxa ay leeyihiin dhamaad, wax walbana ma noqdaan wax joogto ah Abid, waxa fiican ayaa mar walba si deg-deg ah u dhamaada, dhamaadka wakhtiga ee Messi iyo Ronaldo ayaa laga yaabaa in uu iyaga u xun yahay laakiin waxa uu war fiican u yahay qaar kale.

Kadib markii ay labada xiddig ku guulaysteen dhexdooda 10 Ballon d’Or waxa la gaadhay ama bilowday wakhtiga xiddigo kale kuwaas oo haatan ku jira qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa waxana la gaadhay wakhtigii ay xiddigahaas fursadooda heli lahaayeen.

Laakiin waxa shaki la,aan ah in ayna kubada cagta soo mari doonin xiddigo min shan jeer ku guulaysta waliba qaarkood xiriir ugu guulaysteen abaalmairnta.

2.Xiddigaha Kale Ayaa Ro ka Helaya ku guulaysiga Abaalmarinta:

Rajada ayaa ah wax fiican, malaha waa waxa ugu fiican, mana jiro wax fiican oo Inta badan la waayo.

10-Kii sano ee ugu dambaysay waxa jirtay rajao la,aan ay xiddigaha kubadu ka qabeen ku guulaysiga abaalmarinta, Sanadkii 2010 Wesley Sneijder ayaa ku guulaystay 3 koob Oo Inter Milan ah halka uu sidoo kale xulkiisa geeyay finalkii koobka adduunka saandkaas.

Sanadkii 2013 Franck Ribery ayaa 3 koob kula guulaystay Bayern Munich isaga oo waliba sabab u ahaa koobabaas ay ku guulaystay kooxda Bayern Munich.

Hadana labada xidig ayaa seegay abaalmarinta iyada oo uu Sneijder u waayay Lionel Messi sidoo Kale Ribery U waayay Cristinao Ronaldo sidaas darteed in ayna labada xiddig mar kale ku guulaysan abaalmairnta waxa ay rajo u tahay xiddigaha kale.

3.Horumarinta Shaqsiga Ah:

Hadii ay Rajada xiddigaha ee ku guulaysiga abaalmarintu kor u kacdo waxa sidoo kale kor u kici doona rabitaankooda horumarinta qaab ciyaareedkooda, hadii ay ogaadaan in loo siman yahay abaalmarinta waxa ay wax walba u samayn doonaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen abaalmarinta ugu qiimaha badan kubada cagta.

Waxa laga yaabaa in ay dadku yidhaadaan in ay kubada cagtu tahay koox oo ay shaqsiyadu saamayn yar ku leedahay laakiin waxa aan shaki ku jirin in Ballon d’Or-ku yahay mid dhiiri galin ku noqda xiddigaha in ay guul gaadhaan.

Waxa ay siinaysaa magaca ah in uu ka fiican yahay inta kale iyo waliba kuwa ugu fiican.

Sidaas darteed xiddigaha kubada cagta ayaa helaya rajada ah in ay ku guulaystaan abaalmarinta taas oo keenaysa in ay horumariyaan qaab ciayareedkooda shaqsiga ah.

Laakiin 10-kii sano ee la soo dhaafay xiddig kasta waxa uu maskaxda ku haynayaa in ay Ronaldo ama Messi midkood ku guulaysan doono abaalmarinta markaas ayna ahayn in ay is dhibaan.

4.In Uu Ku Guulaysto Xiddig Aan Weerar Ahayn Ama Real & Barca:

In la jabiyo caqabada ah in uuna abaalmarinta ku guulaysan xiddig weerar ah ama xiddig Real Ama Barca ah ayaa ah mid kale oo ay u fiicantahay in ayna Ronaldo ama Messi ku guulaysan abaalmarinta.

11-kii sano ee la soo dhaafay marka lagu daro Kaka waxa abaalmarinta ku guulaystay xiddig Real Ama Barca ah ama xiddig ciyaara Weerarka ha noqoto garabha weerarka ama khadka dhexe ee weerarka oo ah Kaka.

Kaka ayaa laga yaabaa in u Magaca ka ahaa xiddig khadka dhexe ah laakiin waxa uu inta badan ka ciyaari jiray No.10 ama weerarka 2-aad ee khadka dhexe xaqiiqda ayaa ah in wakhti fog ka soo wareegay markii uu xiddig khadka dhexe ama boos kale ah ku guulaystay abaalmarinta.

Hadii uu Luka Modric ku guulaysto abaalmarinta waxa la odhan karaa in uu yahay xiddigii ugu horeeyay ee khadka dhexe ah tan ilaa Zinadine Zidane ku guulaystay abaalmarinta, Griezmann ama Mbappe ku guulaystaan abaalmarinta waxa ay jabin doonaan rikoodhkii Real Madrid iyo Barcelona ee 9-ka sano ah ee ay xiddigeheedu ku guulaysteen abaalmarinta.

Xiddigiihii ugu dambeeyay ee aan ahayn Real Madrid iyo Barcelona ayaa ah Kaka iyo Cristiano Ronaldo kuwaas oo ku guulaystay markii ay kala joogeen Ac Milan iyo Man United.

  1. Is Badal Fiican:

Dhimashada iyo Badalka ayaa ah labada arimood ee sida fiican loo hubo nolosha, xilli aynu ka war qabno in ay tahay in aynu aqbalno dhimashada ay tahay xaqiiqada kaliya ee aan la beenin karin inkasta oo ay inagu adkaato marka ay timaado.

Taas ayaa la mid ah marka aynu ka hadlayno is badal, wax walba way is badalaan adduunka waana arinta kaliya ee uu ku socdo adduunka marka ay noqoto badal inaga oo mar walba aragna wax aan sidii hore ahayn.

10-kii sano ee la soo dhaafay taageerayasha kubada cagta ayaa makharaati ka noqday in ay Messi iyo Ronaldo ka dambeeyaan xiddigaha kale ee kubada cagta, laakiin bilhii ugu dambeeyay waxa aynu arkaynaa is badal weyn oo dhacaya.

Sidaas darteed is badalkan ayaa ah mid fiican iyada oo ay taageerayaashu makhraati ka noqon doonaan tayada, Qaab ciyaareedka iyo waliba bilow cusub.

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here