Puntland oo dagaalka Bali-khaddar ku eedaysay Somaliland (Dhagayso)

1
185

Gudiga Difaaca Puntland oo warbahinta la hadlay ayaa ka hadlay dagaalka Puntland la gashay Al-Shabaab iyo xaaladda Tukaraq,waxaana ay sheegeen in ciidanka Puntland ay soo weerartay Argagixo caalami ah oo ay qayb ka tahay Somaliland.

War-saxafadeedka waxaa lagu sheegay in ay dagaalka ku jireen sarakiil uu kamidyahay Maxamed Cabdulahi Bataar oo lagu xusay in uu katirsanyahay guutada 8aad ee Ciidanka Maamulka Somaliland,kana soo jeeda degaanadda Somaliland.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulahi Yusuf oo warbixinta jeediyey ayaa sheegay in kooxdani ay soo weerareen ciidanka Puntland ee fariisimadiisu tahay Bali-khaddar ,iyadoo halkaa ay kula kulmeen dagaal xoogan oo lagu jabiyey.

Wasiirku waxaa uu sheegay in ciidanka Puntland ay soo gaartay waxyeelo kooban,halka buu yiri ay dhimasho iyo dhawac xoogan gaarsiiyeen kooxda Alshabaab.

Wasiirku waxaa uu dagaalkan ku tilmamay mid lagu hakinayo qorshaha Puntland ay kusoo ceshanayso degaanadda Gobolka Sool,waxaana uu yiri taasi waxba u dhimmi mayso dadaalada lagu xoreynayo dadka iyo deeganka Gobolka Sool ee ay dhibatada ku hayaan Maamulka Hargeiza.

Halkaan ka dhagayso war-murtiyeedka Gudiga Puntland

SOMALI PRESS ONLINE 2018

Comments are closed.