Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Wariye caan ah oo ku dhaawacmay

0
66

MUQDISHO(SPO)-Qarax xooggan ayaa galabnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya, kaasoo uu ku dhaawacmay wariye lagu magacaabo Ismaaciil Sheekh Khaliifa.

Ismaaciil Sheekh Khaliif oo caan ka ah gudaha Muqdisho, sidoo kalena Agaasime kasoo noqday Idaacadda Staf FM, qeybteeda Muqdisho ayaa soo gaarey dhaawac culus, kadib markii bam loogu xiray Kursiga laga kaxeeyo Gaariga uu ku qarxay.

Gaariga ayaa qarxay xilli uu ku socdaalayay Gudaha degmada Waaberi, gaar ahaan Xaafadda Maatjo, waxaana dhaawaca wariyaha loola cararay mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho, oo hadda lagu daweynayo, sida ay xaqiijiyeen rag ay saaxibo yihiin.

Lama oga sababta loo beegsaday suxufiga, balse falalka noocan ah, ee bambooyinka gawaariradda la isagu xiro ayaa ah mid sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayay Muqdisho, oo lagu dilay shaqsiyaad badan, oo qaarkood mas’uuliyiin ahaayeen.

Saraakiisha amaanka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo goobta gaarey daqiiqado kadib, islamarkaana howlgal sameeyay, aanan wali ka hadlin qaraxa maanta.

Qarax kan lamid ah oo gaari lagu xiray ayaa lagu dilay dhawaan mas’uul katirsanaa Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda. 

SOMALI PRESS ONLINE – 2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here