Railsal Wasaaraha oo joojiya xil ka qaadista Agaasimayaasha iyo Xogyayaasha wasaaradaha

0
188

Muqdisho(SPO)-War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska raisal wasaaraha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa lagu joojiyay in aan gebi ahaanba xilalka laga qaadi Karin agaasimayaasha guud  iyo xoghayayaasha joogtada ee wasaaradaha iyadoo aan lagala tashan raisal wasaaraha dalka.

Warqada ka soo baxday xafiiska raisal wasaaraha oo ku astaysnayd 16 bishaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in wixii nashax marin ah lagala tashto raisal wasaaraha, waxaana lagu sababeeye awaamiirtaan in la tixgelinayo habsami u socodka hawlaha maamul ee ay hayaan agaasimayaasha iyo xoghayayaasha wasaaradaha.

Warqada kasoo baxday xafiiska raisal wasaaraha ayaa kusoo beegmaysa xili qaar ka mida golaha wasiirada dawlada federaalka ay shaqo joojin ku sameeyeen qaar ka mida agaasimayaasha iyo xoghayayaasha joogtada ah ee wasaaradaha.

SOMALI PRESS ONLINE 2018