SAWIRO: Jaamacadda Koonfurta Somalia Ee Baydhabo Oo Loo Sameeyey Boor Cusub

0
419

Baydhabo(SPO)- Waxaa isbedel dhameytirsan lagu sameeyey dhamaan Boorka Jaamacadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, mudo 10 sano ka dib.

Kullan Oo Maanta ka dhacey Hotel Horyaal, ayaa waxa ka qiib galey, Prof. Maxamed Cabdi Kuusow oo ka mid ah Boorka Sare Ee Jaamcadda Koonfurta Soomaaliya, Gudoomiyaha Xilka Laga bedalaayo oo Xilkaas haayey mudo 10 sano Prof. Maxamed Cali Kalaay, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bay Cali C/raxmaan Wardheere Dooyow iyo ku xigeenkiisa  Cumar, Wasiirka Amniga Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Maxamed Abuukar Iyo Ku Xigeenkiis Eng. Jibriil Aaden, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ibrahim Aaden Sate, Wasiirka Dhallanyarada iyo Ciyaaraha C/laahi Cabdi Cumar iyo Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Eng. Axmed Yare iyo Afhayeenka Gollaha Odayaasha Dhaqanka  Koonfur Galbeed Soomaaliya Malaaq Deerow Yacquub Cali, iyo Madaxda Maamuliyaasha Midowga Iskuulada Nidaamiga ah Ee Magaalada Baydhabo.

Waxaana Kullankaas lagu  Shaaciyey 5 Xubnood oo Cusub oo Noqonaya Boorka Cusub Ee Guduha oo leh  Go’aanka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, isla markaana Maamulaayo mudo hal sano ah.

Prof. Maxamed Cabdi Kalaay oo mudo 10 sano ahaa Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kullan ka sheegey, marxaladihiis kala gedisanaa ee Ay soo martey Jaamacadda, isla markaana waxa uu xusey in tiro dhalanyaro ah oo fara badan ay ka aflaxeen, isagoona soo dhaweeyey Boorka Cusub Ee loo sameeyey.

Prof. Maxmed Cabdi Kuusow oo ka mid ah Boorka Sare Ee Tallada Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya oo ka yimid Dalka Canada ayaa sheegey, in isbdel lagu sameynaayo Boorka iyo Nidmaanka Jaamcadda, isla markaana waxa uu tilmaamey in Jaamcadda aan cidna gaar ah lahayn, Waxa uu carabka ku dhuftey in Jaamacadu ay tahay mid ‘Public “ah oo Bulshadda Looga Faa’ideynaayo Waxbarashada iyo Horumarka Degaanka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in aqoonyahnada Aas aasey Jaamacadu ee ku nool qurbaha in hadda iyo wixii ka dambeeyo mid kasta Soo imaandoono  Labo bilood , isla markaana waxa uu sheegey in la tayeyn doono manhajka Jaamacadda.

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Ee Koonfur Galbeed Soomaaaliya oo kullanka kalamid ka jeediyey ayaa soo dhaweeyey isbdelka  cusub ee lagu sameeynayo Boorka Jaamcadda , waxna uu ku taliyey in Jaamacadu Laamo kale ay ka furato Goboladda Shabellaha Hoose iyo Bakool, si da’yarta halkaas ku nool ee ka soo baxday Dugsiyadda Sare ay u helaan Tacliinta sare, isagoona dhinac kale ku taliyey mideynta Jaamcadaha Ku yaalla Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bay, Cali C/raxmaan Wardheere Dooyow ayaa sheegey in ay markhaati ka yihiin Boorka Cusub ee Lagu wareejiyey Jaamacadda isagoona  ku baaqay in la sameeey Machadyo kale oo bixiyaan Diploomooyinka , isagoona qurbta Joogta kuwooda waxbtey ay ku soo laabtaan Degaanada KG Somalia si aqoontoodu ay ugu faa’ideeyaan Bulshadda.

Intaas ka dib waxa kullanka lagu shaaciyey shan Xubnood  oo loo dhiibeyTalladda Jaamacadda Mudo hal sano ah kuwaasoo Soo Xulaayo Gudoomiyaha Cusub Iyo Ku xigeenkiisa iyo guud ahaan Dhismaha Hay’kal Cusub oo ay Jaamacadu ay Yeelaneyso.

Magacyada 5-ta Xubnood waxay kala yihiin:-

  • C/ftaax Sheekh Isaaq Qoomaal, Gudoomiyaha Boorka Cusub Ee Tallada Jaamacadda USS
  • Ibrahim Axmed Ibrahim, Gudoomiye Ku Xigeenka Boorka Cusub Ee Tallada Jaamacadda USS
  • Mustafe Xaaji Xasanow Manuur ( Mustaf Bay Star), Xubin Boorka
  • C/ladhiif Sheekh Axmed , Xubin Boorka Cusub Ee Jaamacada Koonfurta Somalia.
  • Cali C/raxmaan ( Macruuf), Xubin Boorka Cusub Ee Jaamacada Koonfurta Somalia

Waxaa, Goobta Lagu saxiixay warqado Markhaati-gal ah oo ay saxiixeen, Prof. Maxamed Cali Kalaay, Eng. C/ftaax Sheekh Isaaq Qoomaal,Cali C/raxmaan Wardheere Dooyow Gudoomiyaha Gobolka Bay Maxamed Abuukar Wasirka Waxbarshada iyo Tacliinta Sare, Malaaq Deerow Yacquub Cali AfhaSyeenka Gollaha odayaasha Dhaqanka KGS.

Ugu dambeyntii Jaamcada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo dhidibadda loo taagey sanadkii 2017, Xilligaas oo sida uu sheegey Prof. Kalay ay adkay, qaabka Bulshadda Magaalada Looga Dhaadhico Jiritaankeeda, mudadii ay jirtey waxaa ka aflaxeen Boqolaal Ardey ah kuwaasoo dhameystey Takhasusyo kala duwan isla markaana qaatey Shahaadada Kowaad ee Heerka Jaamcadda, waxayna ay soo martey Marxalado kala gedisan oo daruufo leh.iyadoo taagyeero ka heleyso Aqoonyahno ku nool qurbaha kuwaasoo  maanta soo gaarsiyey meel hiigsi leh.

Halkan Ka Daawo Sawiro.

Somali Press Online 2017