SAWIRO: Jaamacadda Upper Jubba oo Xaflad soo dhaweyn ah u sameysay Ardayda Cusub ee Sanadkan ku soo biirtay

0
262

Baydhabo(SPO)- Jaamacadda Upper Jubba University oo ka mid ah Jaamacaddaha ku yaalo Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Goblka Bay ayaa Xaflad soo dhaweyn ah u soo sameeysay Ardayda cusub ee sanadkaan ku soo biiray Jaamacadda,waxaana Xafladda soo dhaweynta ka qeybgalay Maamulka Jaamacadda,Macalimiinta,Ardayda iyo mas’uuliyiin si gaar ah loo casuumay.

Dr. Xasan Ismaaciil Isaaq Madaxa Xafiiska Waxbarashadda iyo Arimaha Ardayda  Jaamacadda  Upper Jubba ayaa soo dhaweeyey ardayda cusub ee sanadkaan ku soo biirtay Jaamacadda,waxa uuna xafladda ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay.

Maanta waa maalin qiimo gaar ah ugu fadhiso Maamulka Jaamacadda,waxaa soo dhaweyneynaa Ardayda cusub ee sanadkaan go’aansaday in ay Jaamacadda ku soo biiraan,Jaamacadda waxa ay u heysaa Bulshada jecel Waxbarashada adeeg waxbarasho oo dhameystiran,Jaamacadda waxa ay ka helayaan kulyadaha ay u baahdaan,waxaana sanadkaan Jaamacadda lagu sameeyey isabadal aad u weyn,waxaan leeyahay Ardayda cusub ku soo dhawaada Waxbarasho tayo leh oo an fici doonto Mustaqbalkiina”ayuu yiri Dr.Xasan Ismaacil

Wuxuu sidoo kale ardayda cusub kula dardaarmay in ay ku dadaalaan Waxbarashada,Xushmeynta iyo Qadarinta Macalimiinta iyo aqrinta buugaagta,waxa uuna xafladda ka shaaciyey in labo kulliyadood sanadkan lagu soo kordhiyey Jaamacada kuwaasoo kala ah; Kulliyads Saxaafadda iyo Kulliyada Cilmiga Siyaasada.

Xog-hayaha Jaamacadaa Avv. Maxamed Isaaq Macalin oo Xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda Upper Jubba ay ku talaabsatay Hormar kaladuwan”Jaamacadda UJU Ujeedka loo furay waa in Ardayda KG Soomalia ay helaan waxbarasho anfacda Mustaqbalkooda,Aad ayaa u soo dhaweynayaa Ardayda Sanadkaan ku soo biirtay Jaamacadda,Ardayda waxaa kula dardaarmayaa in ay ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan,in ay ka faa’iideystaan Macalimiinta waqtiga huray, diraasaduna ay sii bilaabmeyso ” ayuu yiri Avv. Maxamed Isaaq Macalin.

 Halkan Ka Daawo VIDEO

Somali Press Online 2017