SAWIRRO: Saraakiishii tababareyaasha Milateriga Imaaraadka oo shaqadii joojiyey, kana baxay magaalada Boosaaso

0
204

Bosaaso(SPO)- Saraakiishii tababarayaasha milateri ee Imaaraadka Carabta ayaa gebi ahaan isaga baxay magaalada Boosaaso, iyadoo ka duulay garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Saraakiisha Imaaraadka ayaa dhammaan ka qaatay agabkooda magaalada Boosaaso, iyadoo Garoonka Boosaaso looga reebay wixii hub ah ee ay doonayaan inay qaataan, lagana hor istaagay dekadda Boosaso Markab ay doonayeen inay qalab milateri ku rartaan.

Shaqadii ay ka hayeen xeradii tababarka ee magaalada Boosaaso ayaa la joojiyey iyadoo aan la ogeyn waxa ay ku danbeyn doonto shaqadi xeradaasi, waxayna arrintan oo dhan imaaneysaa iyadoo uu xumaaday xiriirka Somalia iyo Imaaraadka, isla markaana ay dowladda Federaalka joojisay iskaashigii labada dal.

SOMALI PRESS ONLINE 2018

Firadada Hoos ka Dhiibo Ama ku soodir E-mailkaan : SomaliPressOnline@gmail.com

Please enter your comment!
Please enter your name here